Madaxtooyada oo si cad u sheegtay sida ay ka yeeli doonto doorashada madaxtinnimada 2021-ka & walaac jira

0

(Muqdisho) 18 Nof 2020 – RW Xigeenka XF Somalia, Md Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa si cad u sheegay sida ay Madaxtooyadu doonayso inay u maarayso doorashada dhexe ee madaxtinnimada Somalia ee 2021.

RW Xigeenka oo beryahan warar badani kasoo baxayaan, ayaa sida doorashada la yeeli doono wuxuu tusaale ugu soo qaatay doorashooyinkii ay Madaxtooyadu saamaynta ku lahayd ee lagu kala qabtay KG, Galmudug iyo Hirshabeelle oo uu sheegay inay kusoo bexeen 3 nin oo ay Dowladdu wadatey.

Markii uu halkaa marayo ayuu yiri: ”Marka waa xilligii wareegga 1-aad ee yaan loo daymo la’aanin doorashada 2020!”.

Arrintan ayaa durba soo jiidatey dareenka dadwaynaha, iyadoo ay dad badani ka digeen in doorashada dhexe oo waloow aanu musuq ka marnayn aan marna qolo qaar ihi afduubin muddadii 4-ta jeer ahayd ee horay loo qabtay cid gaar ihi isku daydo inay natiijadeeda fara farayso, maadaama ay aad uga xasaasisan tahay Maamul-goboleed oo aan tusaale loogu soo qaadan karin.

Qaar kale ayaa sheegay inay tani muujinayso sida uu yahay fahamka qaar ka mid ah madaxda sare oo isku miisaan saaraya doorasho maxalli ah oo aanay xitaa saamayn badan ku lahayn dadka jooga degmada loo qabanayo iyo mid qaran oo uu dal dhami eegayo.

Hadalsame Media