Somalia oo xajisatey kaalin muhim ah oo ay caalamka uga jirto (Maraykanka oo amaanay)

0

(Muqdisho) 18 Nof 2020 – Somalia ayaa caalamiyan lagu yaqaannaa inay tahay dalka dhoofiya xoolaha ugu badan oo banadkooda loo dhoofiyo Bariga Dhexe, balse Somalia waxay sidoo kale leedahay wax soo saar kale oo muhim ah; waana sisinta.

Somalia ayaa haatan kaalinta 8-aad uga jirta dalalka dhoofiya sisinta ugu badan, tiiyoo ay weliba cillado badani ka haystaan kobcinta iyo horumarinta wax soo saarka beeraha, caqabado badan oo faysha jaraya dartood.

Sida ay sheegtay USAID, oo sheegta inay taageerto beeraleeyda Somalia iyadoo mareeysa mashruuc la yiraahdo GEEL, dhoofinta sisintu waxay haatan sanadkii gaartey 1,500 tan, gaar ahaan sanadkan.

Shirkad maxalli ah oo la yiraahdo Som Seeds ayaa ka shaqaysata dhoofinta sisinta oo ay kasoo iibsato beeraleeyda dalka, iyadoo shahaado iyo aqoonsi u samaysa kahor inta aanay dhoofin.

“Somalia waxay difaacatey booskeeda 8-aad ee ah dalka dhoofiya sisinta ugu badan, iyada oo uu jiro COVID19 ayay 1,500 oo tan u dhoofisey Bariga Dhexe,” ayay USAID ku sheegtay tweet cusub.

Shirkaddaas ayaa sidoo kale soo saarta saliid macsarada laga sameeyo sisinta, iyadoo ay Soomaalidu aad cuntada ugu isticmaasho macsarada.

Hadalsame Media