Jidka uu qaaday ololaha doorashada Khayrre oo iimo badani ka muuqdaan (Labada ugu daran)

0

(Hadalsame) 18 Nof 2020 – RW Xasan Cali Khayrre oo xilka si muran dhalisay oo aan sharciga waafaqsanayn looga tuuray 25-kii Luulyo ee sanadkan, ayaa 12-kii Sebtembar si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Madaxwaynaha.

Marka la eego ra’yul caamka Soomaalida, waxay dad badani aaminsan yihiin in Khayrre uu dalka wax badan u qabtay marka loo eego madax badan oo ka mid ah kuwa xilligii burburka dalka soo martay, balse waxaa lagu xantaa inay ka yara khaldan tahay sida loo fahmo ama loola macaamilo dinaamikada Soomaalida ee yara silloon.

Yeelkeede, Khayrre oo muddooyinkaa sameeyey dhaqdhaqaaqyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin la kulanka siyaasiyiin kala duwan, balse waxaa soo baxday laba arrimood oo ay dadku ku dhaliileen Khayrre.

1 – Maadaama uu musharrax yahay, waxaa loo baahan yahay in uu umadda toos ula hadlo oo u sharroxo waxyaabo badan oo isaga ku saabsan oo ay is waydiinayaan iyo eedo loo jeedinayo oo uu la wadaago Xukuumaddii uu maamulayey.

2 – Waxaa aad loogu dhaliilay in lacago la siiyo dad taageera hadba qofkii lacag siiya oo aan lahayn mabda’ fadhiya, qiyam iyo mabaadii degsan, taasoo markii lagu daro hees amaan ah oo uu fannaan qaaday, aan ka iibsamaynin dadka waxgaradka ah oo u baahan in qorshe cad lala hor yimaado, maadaama aan waxqabadkiisa lagu cabiri karin qof daqiiqadna amaanaya daqiiqad kalena caayaya. Waxaa dheer in taasi ay sii dilayso kalsoonida shakhsi ahaan lagu qabo (personal credibility) ee aanay dhisaynin.

Dalku waa inuu ka sarreeya dan qofeed.

Hadalsame Media