Imaaraadka oo bad dhex galay kaddib markii ay Etihad Airways iidheh u samaysay macbad ay Israel sheegato

0

(Abuu Dabeey) 18 Nof 2020 – Shirkadda ay Dowladda Imaaraadku leedahay ee Etihad Airways ayaa shalay soo bandhigtay sawirrada muuqaal samays ah (graphic) oo lagu xayaysiinayo dalxiiska Israel, kaasoo ay Israel ku sheeganayso inay leedahay Quddus oo idil.

Muuqaalkan oo lasoo dhigay Twitter-ka Ingiriisiga ah ee sharikadda, balse saacado kaddib laga saaray, ayaa cambaarayn ballaaran kala kulmay dadwaynaha.

Warqaadka Israeli-ga ah ee Haaretz, oo bilowgii muuqaalka baahiyey, ayaa sheegay in shaqaalaha iyo soortooyinka dayuuradda qaarkood ay ka qayb galeen baahintiisa, iyagoo dadka tusaya magaalada Tel Aviv.

Waxaa qayb kale ku jirta muuqaal samays ah oo muujinaya macbadka “Second Temple”, oo loola jeedo macbad ay Israel sheegato inay Roomaanku dumiyeen 70 Nabi Ciise (CS) kaddib, kaasoo ay sheegto inuu ku yaallo magaalada Quddus, taasoo ah mas’alo aan la isku waafaqsanayn.

Waxaa kale oo muuqaalka laga arkayaa jidadka luuqyada ah ee Qudustii qadiimiga ahayd oo ay Israel sheeganayso inay tahay meel ay iyadu leedahay oo loosoo dalxiisi karo.

Muuqaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Etihad si rasmi ah ugu dhawaaqday inay duullimaadyo toos ah bilaabayso bisha Maarso ee sanadka soo socda ee 2021.

Hadalsame Media