XOG: Cidda dusisey warqad loo dhiibey RW Rooble & laba arrimood oo aan la xeerinin

0

(Muqdisho) 18 Nof 2020 – Waxaa dhowaan kulan yeeshay RW Somalia, Md Maxamed Xuseen Rooble, iyo qaar ka mid ah odayaasha Muqdisho oo shuruudo dhowr ah u gudbiyey Madaxa Xukuumadda Federaalka ah.

Dhamaadkii kulanka, ayaa dalabyada oo qaab qoraal ah u samaysnaa ayaa loo gacan geliyey RW Rooble, balse warqadda wixii ku qornaa ayaa si ku tala gal ah loogu dusiyey bulshada.

Nabaddoon Muxiyaddiin Xasan Afrax oo ka mid ahaa odayaashii kulanka la qaatay, uu ku dooday in warqaddu aanay xitaa lahayn nuqul 2-aad oo ay halka mid ee asliga ah ku wareejiyeen RW Rooble, balse ay la yaabeen markii ay ka akhristeen baraha bulshada.

SIDEE WAX U DHECEEN? Markii uu kulanku dhamaaday, RW Rooble ayaa lagu warramayaa inuu warqaddii kusii wareejiyay Xoghayaha Joogta ee Xafiiskiisa, kaasoo usii dhiibey RW Xigeenka Soomaaliya, oo isna usii baasay xafiiska Madaxweynaha Somalia, sida ay qoreeyso Caasimadda Online.

Waxaana markii dambe ay Madaxtooyadu go’aansatay in la baahiyo warqaddan, iyadoo loo xil saaray dad geliyey baraha bulshada, taasoo ay aad uga xumaadeen odayaashii kulanka la qaatay oo uu ka mid ahaa Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, oo Muqdisho ka sheegay in warqaddaas ay geliyeen ”gacan amaan ah”, sida uu yiri.

Iyada oo aan la eegayn sax iyo khalad waxa ay odayaashu sameeyeen isla markaana aan qabyaalad loo baahnayn, misna maadaama ay odayaal yihiin waxay ahayd:

1 – In la ixtiraamo, waayo dowladdu odayaal kaleba waa la shirtaa mana faafiso wixii ay kula hadleen. Waxaa kale oo muhim ah in ay DF mar walba u taagnaato wixii ay dadku iskugu dhowaan karaan ama isku aamini karaane ma aha kuwaa cagsigooda.

2 – Dowlad waxaa laga doonayaa inay lafteedu is ixtiraamto oo ay u dhaqanto si ay ka muuqato mas’uuliyad, xeerin, wax kala qarin, balse dhaqankani wuxuu muujinayaa inaysan sidaa ula ekeeyn, taasoo dilaysa kalsoonida lagu qabi karo. Waayo dowladi waa inay siro badan qarin kartaa, si aan loo abuurin qalalaase bulsho.

Hadalsame Media