Maxamed Faarax oo cunto xalaal ah loo diyaarinayo ban baxa I’m A Celebrity (Sidee cuntada ku yahay?)

0

(London) 17 Nof 2020 – Halyeeyga Ciyaaraha Fudud ee Britain, Sir Maxamed Faarax, ayaa loo diyaarin doonaa cunto xalaal ah marka uu ka qayb qadanayo I’m A Celebrity.

Sir Mo, 37-jir, ayaa soo saarayaasha barnaamijkan horay ugu sheegay in cuntadiisa loogu diyaariyo si waafaqsan ”diintiisa”, balse Faarax ayaanba ahayn nin sidaa ugu fiican cuntada.

Maxamed ayaa The Sun ku yiri: “Haddii aan daacad hadlo anigu maba ihi nin cunnati.”

Waqcadda ‘I’m A Celebrity’, ayaa waxaa iskugu yimaada dadka caanka ah iyadoo kulankooda oo ka dhaca meel qasri ah film ahaan loo duubo.

Hadalsame Media