”Halla iska tuuro!” – Dad Muslimiin ah oo bilaabay inay weerar ku qaadaan apps Muslim ah oo Maraykanka u ”basaasa”

0

(Hadalsame) 17 Nof 2020 – Dadka adeegsada app-ka Muslim Pro ayaa bilaabay inay ku baaqaan in la iska tuuro app-kaas iyo kuwo kale oo Muslimku aad u adeegsadaan kaddib markii la ogaadey in ay Ciidanka Maraykanka ka iibiyaan xogta qofka adeegsanaya iyo meesha uu joogo.

Waxaa warbixintan oo uu warqaadka Vice ee Motherboard, lasoo ogaadey in Ciidanka Maraykanku uu iibsadey xogta dadka Muslimiinta ah ee app-kan isticmaala si uu u ogaado meesha uu qofku caalamka ka joogo, si dadka qaar loo bartilmaameedsado.

Halkan ka akhriso….

Haatan mujtamaca Muslimiinta ayaa bilaabay mudaaharaad ka dhan ah apps-ka la carrabaabay, waxayba bilaabeen inay iskugu baaqaan in la iska dejiyo isla markaana lasoo dejisto kuwo kale.

Dadka ayaa ku doodaya in apps-kani ay u qalmin  in la isticmaalo maadaama ay basaas u yihiin dhinac 3-aad oo ay qabanayaan shaqo ka duwan middoodii asaasiga ahayd, isla markaana ay ku xadgubayaan gaarnimada qofka caadiga ah.

Hadalsame Media