”Waxaa naloo sawiray inaan cunsuri nahay!” – MW Faransiiska oo sheegay inay dalalka Galbeedku ”hobseed” uga bexeen markii ay ku kacday dunida Muslimku

0

(Paris) 17 Nof 2020 – MW Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa warqaadka New York Times u sheegay inuu dareensan yahay in saxaafadda Anglo-American-ka ihi ay woxoogaa ku geddisey marka ay timaado sida ay u tebiyeen dagaalkii qaboobaa ee Faransiiska iyo dunida Muslimka, oo markii dambe lagu moosay Macron oo bilowgii sheekada kusoo galay qaab is waal ah.

“Markii Faransiiska la weeraray 5 sanadood kahor, dal kasta oo dunida ihi waa na taageeray,” ayuu Macron u sheegay Ben Smith oo ka tirsan The Times.

“Markii laakiin aan arkay sida ay wax u qoreen qaar ka mid ah warbaahinta aannu isku dhaqanka nahay (Galbeedka), waxaan u arkay inay sharciyaynayaan gacan ka hadalka, iyagoo Faransiiska ku tilmaamay dal cunsuri ah oo Muslimka neceb, marka waxaan dhihi karaa mabaadiidii aan ku dhisnayn waa la dhumiyey,” ayuu yiri isagoo ay sidoo kale xiganayso Agence France-Presse (AFP).

Smith ayaa sheegay in MW Faransiisku uu u sheegay in warbaahinta shisheeyuhu aysan si buuxda ”u fahamsanayn cilmaaniyadda oo ah tiir dhexaadka nolosha Faransiiska”, sida uu yiri.

Sheekada ayaa ka bilaabatay kaddib markii uu Charlie Hebdo dib u daabacay karaatiin uu ku aflagaadeeynayo Nabi Muxamed (NNKH) bishii Sebtembar, iyadoo uu Oktoobar Macron sheegay inay tahay xorriyad hadal, waxaana xigtey macallin Faransiis ah oo lagu diley Conflans-Sainte-Honorine, oo ah bannaanka Paris, iyadoo uu qalay wiil Chechen ahaa.

Waxaa xigtey inay Muslimiintu ku baaqaan in la joojinayo iibsiga alaabaha iyo adeegyada Faransiiska oo dunida Muslimka u iib geeya agab ku kacaya $45.8 bilyan oo doollar, isagoo wax uga soo iibsada $58 bilyan oo doollar, sida ay xog ku heshay Anadolu Agency (AA).

Waloow ay dalal Galbeed ihi afka ka sheegeen inay u hiillinayaan Macron, misna waxaa warkiisa ka muuqata inuu dareensan yahay in hobseed looga baxay oo uu meermeerto is geeyey.

Hadalsame Media