”Ma dhicine!” – Dunida oo la yaabban sida ay Afrika u maaraysay cudurka Covid-19 + Muuqaal

0

(Hadalsame) 17 Nof 2020 – Waxaa sanadkan 2020 dunida jilbaha dhulka u dhigay caabuq-sidaha Covid-19 oo hadda dunida ka maraya 55,423,942 oo kiis, isla markaana diley dad ka badan hal milyan (1,333,683).

Haddaba, waxaa la is waydiinayaa sida ay Afrika cudurkan u maaraysay, tusaale, Maraykanka kaligii ayaa kor u dhaafay 1.7 milyan oo kiis, halka qaaradda wayn ee Afrika oo idil ay ku dhinteen 41,782 qof oo qura, waxaana qaaradda dhan ka dhimasho badan dalal horumaray sida Faransiiska, UK, Italy iwm.

Sabab? Tiiyoo ay markii hore xitaa WHO sii saadaalisay misna Afrika ayaa ah qaaradda caalamka oo dhan ugu wanaagsan haatan. Markii la is waydiiyey sababta, waxaa laga bixiyey jawaabo aan waafi ahayn.

Qaar baa farta ku fiiqay in Afrika ay tahay qaarad dhallinyaro, mayee waxaa ugu wacan iyaga oo gigsi badan u leh cudurrada maadaama ay la kulmaan cudurro kala duwan oo ay ka mid yihiin noocyo kale oo u dhigma Covid-ka, mayee waa ay dadaaleen, tan ugu darani waxay ahayd markii ay warbaahinta Galbeedku sheegtay in caloosha Afrikaanka uu ku jiro dulin gooryaan ah oo ka difaaca fayrusyada.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media