”Waxaa nalaku duqeeyey dayuurado casri ah” – Maamulka Tigreega oo qayladhaan u diray Beesha Caalamka (Maxaabiis kumanaan ah oo…)

0

(Maqalla) 17 Nof 2020 – RW Itoobiya ee Abiy Ahmed ayaa sheegatay inay qabsatay magaalo kale oo ka tirsan gobolka Tigraay kaddib dagaal haatan kusii dhow 2 todobaad oo u muuqda mid sii dheeraanaya oo saamayn ku yeeshay dalalka GEESKA qaar sida Suudaan oo ay kumannaan u qexeen iyo Eritrea oo ay iyada gantaalo ku dheceen.

Jabhadda TPLF, oo ka talisa gobolkan oo ay 5 milyan deggan yihiin ayaa Eritrea ku eedeeysay inay taangiyo iyo kumannaan askari kasoo talaabiyeen xadka si ay u taageeraan DF Itoobiya, taasoo ay Casmara beenisey.

Yeelkeede, DF Itoobiya ayaa sheegtay inay haatan “xoreeysay” magaalada Alamata, balse waxay sheegeen inay carareen iyagoo horay usoo kexeeystay 10,000 oo maxaabiis ah mase sheegin halka ay ka keeneen, taasoo aysan sidoo kale hubin karin Reuters oo warkan qortay.

Madaxda Tigreegu weli kama hadal qabsiga Alamata, oo u dhow xadka Gobolka Amxaarada, balse sidoo kale 120 km (75 mayl) uun u jirta caasimadda Tigreeda ee Maqalla.

Hoggaanka TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa QM iyo Midowga Afrika ugu baaqay inay cambaareeyaan ciidanka DF Itoobiya oo uu sheegay inay u adeegsanayaan hub casri ah sida daroonno ay ku burburiyeen wershad sonkor iyo biyo-xireen, sida uu yiri.

Hadalsame Media

Facebook Comments