Millateriga Maraykanka oo app SALAADDA laga fiirsado u adeegsada helitaanka dadka uu duqeeyo

0

(Hadalsame) 17 Nof 2020 – Waxaa jira apps salaadeed oo ay qaarkood ku xiran yihiin 98 milyan oo qof, kuwaasoo aan kaliya salaad iyo Qur’aan oo qura aadan ka heleyne sidoo kale meesha aad joogto u gudbinaya dallaallo, qandaraasleyaal iyo xitaa millateriga.

Gaar ahaan Millateriga Maraykanka, ayaa wuxuu iibsanayaa apps kala duwan oo si fudud kula soconaya meesha uu qofku joogo, sida uu ogaadey, waxaana apps-ka xogaha dadka ka macaashaya ku jira kuwo Muslim ah sida Muslim dating app, kuwa salaadda laga eegto, midka caanka ah ee Craigslist app, iyo apps duufaanta lagula socdo, gaar ahaan Maraykanka.

Kaddib markii waraysiyo iyo u kuurgal qoto dheer la sameeyey, Motherboard waxay ogaatey inay jiraan laba qaab oo ay Maraykanku ku helaan xogaha maxalliga ah.

Midi waxay ku xiran tahay shirkad la yiraahdo Babel Street, taasoo samaysay Locate X. oo ay adeegsato qaybta Howlgallada Gaarka ah ee Ciidanka Maraykanku (USSOCOM), oo ah laan u xil saaran la dagaallanka argagixisa, ka hor taggooda iyo sahanka gaarka ah ee dalalka dibedda.

Qaybta kale waxaa iska leh shirkad la yiraahdo X-Mode, waxayna apps-ka kula jiraan qandaraas ay ku heli karaan ama galaangal kula yeelan karaan meesha uu joogo qofka uu u degsan yahay app-ku, taasoo ay kasii iibiyaan qandaraasleey, dadka iidhehda sameeya ilaa Ciidanka Maraykanka.

Ciidanka Maraykanka oo helitaanka goobta qofka uga faa’iidaysta marka uu sameeynayo duqaymaha daroonka, ayaa xogahan xasaas ka iibsanaya apps Muslim ah, jeer weerarrada lagu qaado dalal badan oo ay Somalia ku jirto ay ku waxyeelloobaan kumannaan rayid ah, waloow aysan Motherboard xusin howlgal gaar ah oo xogaha apps-kan loo adeegsadey.

Waxaa se apps-ka xogaha u diraya X-Mode ka mid ah Muslim Pro, oo ah app dadka xusuusiya salaadda, u saxa jihada Maka isla markaana ay ducooyin iyo Qur’aan ka heli karaan, waxaana sida lagu arki karo Google Play Store, adeegsada in ka badan 98 milyan oo qof, waxaana laga arki karaa webka Muslim Pro laftiisa.

Shirkadaha aannu soo sheegnay ayaa weli dafiraya inay ka macaashaan xogaha gaarka dadka adeegyadooda isticmaala.

Hadalsame Media