DAAWO: Dadka reer UK oo aad uga xumaaday arrin uu sameeyey RW Boris Johnson & falcelin ay ku dhaqaaqeen

0

(London) 16 Nof 2020 – Dadka UK ayaa aad uga caroodey kaddib markii lagu khasbanaaday in la karaantiilo RW dalkaasi oo isaga oo aan maasgaro xirnayn la kulmay saaxiibadiis oo qaar laga helay cudurka Covid, taasoo haatan seejinaysa wada xaajoodyada muhimka ah ee Brexit ee todobaadkan lala gelayo Midowga Yurub.

Wasiirka Caafimaadka, Matt Hancock, ayaa galabta Sky News u sheegay in xirashada maasgaruhu aanu khasab ka ahayn xarunta xukuumadda UK ee No. 10 Downing Street, isagoo ku doodaya “in goob shaqo kasta ay leedahay xeer u gaar ah.”

RW Boris Johnson ayaa lagu haystaa in isaga oo aan maasgaro gashanayn uu la kulmay mid ka mid Xildhibaannada xisbigiiga oo ah Lee Anderson, oo markii dambe laga helay Covid, taasoo haatan keentay in uu RW is karaantiilo, waxaase arrinta bansiin kusii shubay hadalka Hancock.

Dad badan oo British ah ayaa baraha bulshada uga jeex jeexaya madaxdooda iyagoo ka xanaaqsan laba arrimood oo ay midi tahay in uu RW sidaa ku seegayo kulan muhim u ah aayaha dadka British-ka ah oo wajahay mustaqbal aan kala caddayn kaddib ka bixiddoodii EU, iyo midka kale oo ah in ay madaxdu ku dhaqmayaan xeer ka duwan midka ay wax ku dhaqayaan.

Waxaa England iyo qaybaha kale e UK haatan ka socda hashtag la yiraahdo  “Oneruleforthem.” Mid ka mid ah dadka is waydiiyey “sababta aanay madaxdu tusaale u noqon karin marka ay wax hoggaaminayaan?”

RW UK oo sidaa uga maqnaanaya madlaha muhimka ah ugu yaraan 2 todobaad ayaa Twitter ku sharraxay xaalkiisa, isagoo sheegay inuu u caafimaad qabo “sidii eey kawaanle” oo uu dalka ka maamuli doono via Zoom.

Hadalsame Media