Xeebta Liido oo lagula kacay arrin laga fursan karo oo aan loo baahnayn (Qormo iftiimin ah)

0

(Muqdisho) 16 Nof 2020 – Liido Cabsi, Mugdi, Baalle-jaban, bac iyo bir meel kalaalaada iyo isbaaro wadooyin xirxiran oo keenay dadku inney isaga cararaan degmada Cabdicasiis.

Liido waxay kamid tahay goobaha ugu xooga weyn ganacsiga magaalada Muqdisho sidoo kale leh hawo iyo muuqaal qurxoon oo ku teedsan badweynta Hindiya Hoteelo, Maqaayado iyo Caweysyo caasimad lagu garto.

Haddii aad Muqdisho timaado oo aadan xeebta Liido tagin ama lagu geyn waxay kadhigneyd innaadan Soomaaliya tagin.

Dadka waaweyn, dhalinyaro iyo da’dhexaba Liido wey qaabili jirtay hadase indhaha iyo afkaa latiray oo cidna sooma dhaweyso.

Dad badan baa u ololeeya in meelaha ugu shidan Liido oo ay kamid yihiin caweysyada habeenkii ay dhalinyaradu isigu yimaadaan in la ixiro iyagoo ku andacoonaya dhaqan xumo iyo eedeeyn falal aan cadeyn loohan.

Arinka lagu eedeeyay Liido ee indhaha loo tiray waa mid aan aad looga fiirsan tusaale haddii aan dhalinyarada shaqo loo hayn meelihii ay waqtiga ku qaadan lahaayeena loo diido sow uma ekaanayso caburin keeni karta innay kubiiraan howlo kale!.

Sidoo kale ganacsiga Liido oo lahaa shaqo abuur iyo canshuur bixin xoogan ayaa noqday mid gabay daqliga dadka iyo dowladda.

Habeen iyo maalin Liidadii shidneyd maxaa loo ladamiyay, Maxayse tahay danta laga leeyahay in Liido dunto?

FG: Waxaa la samayn karaa in dhaqan xumada lala dagaallamo dadka oo shaqaysanaya.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Socoto

Hadalsame Media