”Yurubna waa sii yaraanaysaa Afrikana waa sii badanaysaa” – Macron oo afka furtay kuna baaqay isbedelo dhaqan-dhaqaale oo caalami ah (Maraykanka & Shiinaha oo uu farta ku fiiqay)

0

(Paris) 16 Nof 2020 – MR Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa ku dooday in loo baahan yahay in dib u eegis qoto dheer lagu sameeyo hannaanka dhaqan dhaqaale ee dunida maanta, isagoo taabtay isbedelka tirada dadyowga oo u baahan tas-hiilaad cusub.

Macron oo waraysi qoto dheer siiyey Groupe d’Études Géopolitiques, wuxuu sheegay in hannaanka dib u habaynta dhaqaale ee “Washington Consensus,” uu yahay “mid hal dhinacle ah oo faa’iido doon ah” isla markaana gaboobey, isagoo soo jeediyey in dunidu ay qoor qooraysato nooc cusub oo dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho, si looga koro xasaradaha dhaqaale, cudurro iyo argagixiso ee haatan taagan.

Wuxuu kaloo sheegay in aragtiyaha Malthusian theories ee ku saabsan dadka sii kordhaya iyo sida tas-hiilaadka loogu qaybinayo ay iyaduna noqonayso hal dhinacleey haddii aan dib loo eegin “tas-hiilaadka sii yaraanaya” iyo dadka sii badanaya, sida uu yiri.

”Haddii aad eegto gobolka Europe-Africa, dal kasta oo Yurub ihi wuu sii mirqayaa, isla markaana waxaa soo kordhaya dal Afrikaan ah. Waa nooc koror ah oo la mid ah kuwii dunida bedeley,” ayuu yiri.  

Macron ayaa ka dhawaajiyey arrin horay loosii hadal hayey balse aan si rasmi ah looga maqal madlaha siyaasadeed ee Galeedka, taasoo ah in loo baahan yahay in dib u eegis iyo isbeddel lagu sameeyo hannaanka “ra’sumaaliga casriga ah.”

”Nidaamka hanti-goosigu isaga unbaa is maalgeliya, balse wuu awoodi la’yahay inuu wax ka qabto cadaalad darrada iyo isu dhignaan la’aanta dhaqaale ee maxalliga ah iyo midda caalamiga ah. Marka aannu wax ka qabo is niraahnana isaga unbaannu sii xoojinnaa.” ayuu ku qayliyey.

Wuxuu Macron soo jeediyey in aragtida “Washington Consensus” lagu bedelo “Paris Consensus” iyadoo ay tan dambe aqoonsan tahay in aan kaliya faa’iido uun laga fikirine loo baahan yahay “go’aanno bulsho iyo kuwo dhaqaale”, isagoo sheegay in sidaa uun lagu xakamayn karo cimilada sii kululaanaysa, sinnaan la’aanta fursadaha iyo faqriga, wuxuuna rajeeyey in aragtidan si caalamiyan ah loo qaadan doono.

Dhanka kale, waloow uu farta ku godey inuu weli rumaysan yahay aragtida “Westphalian sovereignty,” oo ah inuu dal kasta geyigiisa iyo iskiiba u madax bannaan yahay indhaha Xeerka Caalamiga ah hortii, in misna loo baahan yahay midnimo ka wayn oo ay la timaado Yurub, si ay ula hardamaan saamaynta “laba-dhinacleeyda ah ee Shiinaha iyo Maraykanka.”

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media