Xulka Talyaaniga oo hal faa’iido oo wayn ka helay barbarrihii xalay ee Switzerland & Spain

0

(Roma) 15 Okt 2020 – Italy ayaa hubta inay dheriga 1-aad geleeyso marka bisha soo aaddan la sameeynayo isreebreebka Koobka Adduunka 2022 lagu dhigayo dalka Qadar, iyagoo ka duceeyey kulankii 1-1 ku dhamaaday ee Spain iyo Switzerland.

Xulka Azzurri oo Estonia 4-0 diray kulan saaxiibtinnimo ayay taasi sare u sii qaadday qiimayntooda FIFA, waxaana sii saaciday barbarrihii xalaytoole, taasoo ka dhigan in aan Switzerland soo qaban doonin.

Isku aadka ayaa la samaynayaa bisha Diseembar, waxaana haatan Xulka La Nazionale u hubban inuu gelayo dheriga ugu sarreeya, taasoo ka caawinaysa inuu helo dalal isaga ka tabar yar, isaga oo ka badbaadaya ”Guruub dhimasho.”

Hadalsame Media