Armenia oo bilowday inay ka baxdo degmadii 1-aad & markii ugu horreeysey oo ay qiratay tirada askarta ka dhimatay

0

(Yerevan) 15 Nof 2020 – Armenia ayaa maanta oo Axad ah bilowday inay Azerbaijan ku wareejiso dhul ka tirsan Nagorno-Karabakh oo 6 todobaad lagu dagaallamayey, taasoo qayb ka ah heshiiskii xabbad joojineed ee lagu saxiixay Ruushka.

Meelaha ay dadka Armenian-ku ka baxayaan waxaa ka mid ah degmada Kalbajar oo ay haysteen 27 sanadood, waxaana bilowday inay tarab tarab uga baxaan gobolkan buuralayda ah, si ay ugu soo laabtaan dadkii lahaa., waxayse dab ku dhejiyeen guryaha qaar iyo xitaa kaymaha.

Ciidamo nabad ilaalin ah oo Ruushan ah ayaa haatan jooga, Stepanakert (Khankendi), oo ah caasimadda gobolka, taasoo ka mid ahayd tibxihii heshiiska. Waxayna ciidanka ruushku dhan yihiin 2,000 oo waqtiga loo kordhin karo muddo 5 sano ah.

Waxaa heshiiska ay Armenia gashay ka mid ah inay celiso degmooyinka Kalbajar, iyo sidoo kale Aghdam Nof. 20 iyo degmada Lachin Diseembar. 1, kuwaasoo ay haysteen tan iyo 1990meeyadii.

Armenia ayaa dhanka kale markii ugu horreeysey qiratay in ay dagaalka uga dhinteen 2,317 oo askari, waxaa kale oo dhintay rayid fara badan.

Hadalsame Media