Nabad Sugidda Itoobiya oo soo bandhigtay sawirrada & magacyada rag ay ka qabteen Daacish & Shabaab

0

(Addis Ababa) 15 Nof 2020 – DF Itoobiya ayaa soo bandhigtay magacyada iyo sawirrada xubno ay sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo weerarro kharbudaad ah ka samayn lahaa gudaha Itoobiya, sida ay sheegtay Nabad Sugidda Itoobiya ee JDFI.

Warkan kasoo baxaya JDFI ayaa waxaa lagu sheegay in raggan oo lagu soo qabqabtay howlgallo gaar ah kaddib markii xogtooda la helay ay gaarayaan 12 qofood.

Nabad Sugidda ayaa sheegtay in raggani ay horayba ugu liis garaysnaayeen oo ay ku raad joogeen iyagoo u mahad celiyey shacabka oo siiyey qishka meelaha ay ku dhuumanayeen, waloow ay sheegeen inay jiraan qaar kale oo weli baxsad ah oo ay raadinayaan.

Magacyada raggan la soo qabtay ayaa lagu kala sheegay: 1 – Fu’ad Shaafi Khadiir, 2 -iimaan Asafa (Faaruuq Ismaaciil), 3 – Abdijabar Abdalla Ibraahim, 4 – Siciid Mustafa Ibraahim, 5 – Mascuud Gabayaahu.

6 – Tafare Tashome(Idiris), 7 – Abdirahman Adan Abubakar, 8 – Mukhtaar Gaab, 9 – Jaamac Diiriye Abdi, 10 – Sh Ahmed Nuur Maxamed Osmaan, 11 -Abdul Abdi Jamal iyo 12- Cumar Ridwaan Muhaadi.

Kooxahan ayaa la fahamsan yahay inay ka faa’iidaysanayaan qalalaasaha ka jira Itoobiya oo haatan xaalad dagaal ku jirta.

Hadalsame Media

Facebook Comments