XOG CULUS: Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka oo dejiyey qorshe lagu kala furfurayo Al Shabaab & dalal kala qayb qaadanayey

0

(Dooxa) 15 Nof 2020 – Christopher C. Miller, oo ah ninka uu Trump maalin dhowayd u magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa bishii hore uun bilaabay qorshe lagu ”iibsanayo” ama lagula heshiinayo qaar badan oo ka tirsan kooxda Al Shabaab, taasoo uu diidey Wasiir Dibadeedka Mike Pompeo.

Miller, oo uu New York Times ku tilmaamay “sarkaal aan sidaa loo aqoonin oo la dagaallama argixisada”, ayaa Dooxa u duulay 10-12 Oktoobar si uu ula kulmo Wasiir Dibadeedka Qadar, saraakiil sare iyo khubarada la dagaallanka argagixisada.

Waxayna ka wada xaajoodeen in la go’doomiyo hoggaanka Al Shabaab iyada oo dhallinyarada laga gadayo argti ah inay ku kacaan oo tuuraan, amaba hoggaanka lacag badan la siiyo si ay uga haraan aragtiyaha xag-jirnimada ah, sida warbixinta ku cad.

Miller ayaa deeto ogolaansho ka helay Kash Patel – oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Golaha Amaanka Qaranka – iyo La Taliyaha Amaanka Qaranka ee MW Trump Robert C. O’Brien. Waxaana deeto qorshaha lagula laabtay dowladda Qadar iyadoo uu in wadiiqooyinkaa la sahmiyo uu ku raacay Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, Amiirka Qadar.

Miller ayaa sidoo kale dejiyey qorshe wixii sahay ah loo marinayo diblomaasiyiin Qadari iyo Norwegian ah, yeelkeede, WAD Mike Pompeo ayaa aragtidan saqiirnimada ku diley, iyadoo aanba soo gaarin xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda ee State Department’s Africa Bureau.

Qadar ayaa horay ugu kala dab qaadday Maraykanka iyo Daalibaan, iyadoo sidoo kale gacan ka gaysatey sii dayntii Silvia Romana oo ay haysteen Al-Shabaab, iyadoo la kaashatay Italy, Turkey, iyo DF Somalia.

Hadalsame Media