”Waxaa na duqaynaya daroonnada Imaaraadka” – Tigreega oo sheegay in aag cusub looga soo duuley

0

(Maqalla) 15 Nof 2020 – Fetsum Berhane, weriye u dhashay qoowmiyadda Tigreega, ayaa ku dooday in Gobolka Tigraay ay dusha ka duqaynayaan daroonno ay leeyihiin Imaaraadka Carabtu.

Berhane oo aan warkiisa la xaqiijin karin weli, ayaa ku doodaya in daroonnada halkaa duqaynayaa ay kasoo haadeen magaalada Casab ee dalka Eritrea oo ay Imaaraadku saldhig ku leeyihiin, iyagoo deeto duqaymo culus ka gaystey magaalooyinka Tigreega sida Shire, Axum iyo Alamata.

”Waxaa hadda na duqaynaya daroonnada Imaaraadka si ay u taageeraan taliska ay soo saareen.” ayuu soo qoray Berhane oo kaddib ku tag gareeyey wargayso iyo hay’ado warbaahineed oo caalami ah.

Shire ayaa lagu warramayaa inay iyadu tahay amaba aad ugu dhowdahay bartilmaameedkii laga soo ganay gantaalihii lagu weeraray caasimadda Eritrea ee Casmara, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha iyo xaafad degaan ah.

Tigreega ayaa aad u adeegsanaya dacaayadaha dagaalka iyagoo soo saaraya xogo iyo sawirro badan oo marin habaabin ah.

Hadalsame Media