”Bishii tagtay oo qura 50 jeer ka badan ayay Giriiggu gayigeenna soo galeen!” – WG Turkiga

0

(Ankara) 14 Nof 2020 – Giriigga ayaa bishii Oktoobar oo qura wuxuu geyiga Turkiga kusoo xadgudbey wax ka badan 50 jeer, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga oo sheegtay inay derisnimada ilaalisay intii karaankeeda ah.

Sida ay qabto WG, waxay Giriiggu 42 jeer oo galeen hawada Turkiga, 7 jeer biyaha Turkiga, halka ay 15 jeer ay daandaansi ka sameeyeen dhanka hawada, sida la diiwaan geliyey bishii tagtay.

Waxay wasaarddu intaa daba dhigtay in Giriiggu uu 192 jeer ciidan keenay jasiiradaha ciidamada ka caaggan ee uu ku leeyahay Badda Aegean.

Waxay Turkigu sheegeen in ciidanku ay dhoollatus ku sameeyeen jasiiradda Samothrace ee woqooyiga Badda Aegean taasoo ku xadgubaysa heshiiska labada dal isla markaana ay ku gelayeen biyaha maxalliga ah ee Turkiga, isla markaana muujinaysa daandaansiga iyo xaalad kicinta Giriigga, sida ay sheegtay WG.

Labada dal oo ka wada tirsan Gaashaanbuurta NATO, ayaa wada codsaday bal in xaaladdooda lasoo dhex galo, iyadoo ay dalal badan iyo siyaasiyiin Giriig ihi ay dalkaa u sheegeen in aanu cid kale isku hallayn doonin haddii ay is qabtaan Turkiga.

Hadalsame Media