Weligaa siyaasi ma XAMBAARTAY?! (Akhri sheekadan oo ka mid ah kuwa dalka ka dhacay)

0

(Hadalsame) 15 Nof 2020 – Weligaa siyaasi ma xambaartay? “Waa liiskii dhallinyaradii ku shahiidday dagaalkii dorraad” ayuu yiri wiilkii warqadda u keenay Hoggaamiye Halgaad oo sannado ka hor qurbaha uga soo noqday inuu beeshiisa dagaal geliyo. Halgaad warqaddii ayuu hoos u eegay, magacyadu waa ilaa dhawr iyo labaatan.Wiilasha ma garan karo laakiin wuxuu isku dayey inuu aabayaashood garto. Dhawr goor markuu ku noqnoqday oo uu weli waxba ka garan la’ yahay ayaa wiil meesha taagnaa ku yiri: “Halgaad, wiilka u horreeya soow ma taqaanid?”

“Een… waxaan u malaynayaa… Haa waa aqaan laakiin…waxaa dhalay miyaa… een”

Wiilkii ayaa yiri “waxaa dhalay odaygii askarta ahaan jirey ee dagaalkii hore ku curyaamay” Halgaad waa garan waayey odayga iyo wiilkiisa midna. Wiilkii ayaa mar kale ku celiyey “Soow ma xasuusatid odaygii ku xambaarayey maalintii aan garoonka diyaaradaha kuugu nimi?”

“Sidee u xasuustaa… subax walba mid aanan aqoon baa na xambaartee!”

Si walba oo la isugu dayey in la xasuusiyo waa lagu guulaysan waayey in Halgaad la xasuusiyo odayga wiilka dhalay. Muuse oo meesha fadhiyey ayaa yiri “Halgaad dadkaan soow adiga kuuma dagaalamaan oo hoggaamiyahoodi ma ahid? Nabad ayaan ku noolayn… markii aad noo timi ayaa dagaal noogu horraysay dhawr iyo toban sano ayaad naga maqnayd. Hadda waxaad garan la’dahay…” Halgaad ayaa hadalkii ka soo dhex galay “Adeer mar horaan idiin soo noqon lahaaye caruurta ayaan is lahaa inta ay ka weynaanayaan oo waxbarashadoodu ka hagaagayso ha soo cidlayn. Caruurta xil baa naga saaran…” Waa la aamusay.

Raggii meesha fadhiyey mid walibaa hoos ayuu isula hadlayey, haddii xoogaa la aamusnaa ayuu Halgaad damcay inuu sheekada danab-tiro oo yiri “kolley wiilashaan dhintay waa naftood hurayaal… een yacnii…,shihiidiin, … muxuu ahaayeey… wax ka fiican in qofku isagoo dalkiisa difaacaya dhinto ma jirto..” Xuseen oo ka mid ah dhalinyaradii meesha joogaty ayaa yiri “oo kuwaan dagaalamaya iyag inay warxbarasho iyo mustaqbal yeeshaan soow ma mudna?

Halgaad ayaa yiri “Haa sax weeye, maalintaan imi ayaan wiilasha reerka wax barid u bilaabay… waad ogtihiin maanta si fiican ayey u kala yaqaanaan shisheeyaha iyo sokeeyaha, looma soo gabban karo, waxay kala yaqaanaan noocyada kala duwan ee hubka, bar tilmaameedsiga cadawga, gabbaadka… yacnii… hadda waa is difaaci karaan” Muuse ayaa yiri “wiilashaadu hubka wax ma ka yaqaanaan?” “Sidee iila hadlaysaa? … maxay hub ku falayaan, ilmahaygu meel kalay joogaan… ilmahaygu kuwiina waa ka duwan yihiin” Xuseen ayaa yiri “oo maxay kaga duwan yihiin? Soow dhulka iyo cadawga aad sheegayso ma wadagaan? Halgaad oo sii kacaya ayaa cod hoose ku yiri “Haa… laakiin kuwaygu ma aha consumables*.” Muuse ayaa yiri “Yaa Konsiyuu hee…kuma fahmin?” Halgaad oo sii socda ayaa yiri “Iska daa… waxba maaha…iska daa!”

Arrintii waa sii murugtay, dadkii waxaa u muuqday in sheekadu meel iska qaban la’ dahay. Muxuu Halgaad caruurtiisa hubka u bari waayey oo jaamcadaha u geeyey? Haddii in dagaal lagu dhinto khayr tahay muxuu wiilashiisa qaangaarka ah mid ama labo u keeni waayey dagaalka? Raggii meesha joogay waxay is moodeen inay hadda riyo ka soo kaceen. Qof walibaa wuxuu si gaara uga fekerayey siduu ilmihiisa iyo kuwuu adeerka u yahay ugu tashan lahaa.

Halgaad wuxuu hoos iska lahaa “kolley berriba mid kaloo ku xambaarta waayi maysid”

*Consumable waa erey qalaad oo ah ‘wixii markii la isticmaalo la iska tuuro’

***naqtiin***

Waxaa Qoray: Ismaaciil Diiriye

Hadalsame Media