Garoonka Casmara oo la sheegayo in la weeraray & qaxooti Itoobiyaan ah oo u gudbaya Suudaan (Daawo)

0

(Addis Ababa) 14 Nof 2020 – Madaxda Maamul-goboleedka Tigraay ayaa sheegtay inay duqeeyeen laba garoon diyaaradeed oo ay leedahay Eritrea iyagoo ku hanjabey weerarro kale, taasoo walaac hor leh oo ah inuu dagaalku gobolka ku fido dhalinaysa.

Wararkii hore waxay sheegayeen in madaafiic lala dhacay laba garoon oo u dhow xadka Itoobiya iyo Eritrea, balse waxaa haatan soo baxaysa in la bartilmaameedsaday garoonka wayn ee Asmara International Airport (ASM) iyo xaafadda Sembel Residential Complex ee koonfurta Casmara.

Waxaa la sheegayaa in la maqlay ilaa 6 qarax oo labada meelood ee la weeraray waxyeello wayn gaarsiiyey, waloow aan la sheegin dad wax ku noqday.

Dagaalkan oo uu RW Abiy Ahmed sheegay inuu muddo gaaban kusoo afjarayo ayaa todobaad sii dhaafaya, iyadoo uu dagaalku ka bilowday weerar lagu qaaday xero ciidan oo ay leeyihiin kuwa DF.

Waxaa kale oo qulqulaya dadka qaxaya, iyadoo Jimcihii oo qura la sheegay inay 21,000 oo Itoobiyaan ihi u gudbeen dhanka Suudaan, waxaa kale oo la sheegay in la weeraray garoomada magaalooyinka Amxaarada ee Bahir Dar iyo Gondar.

Hadalsame Media