Armenian-ka oo dab qabadsiinaya guryaha iyo kaymaha kahor inta aysan ka bixin gobol ka tirsan Karabakh

0

(Kalbajar) 14 Nof 2020 – Dadka Armenian-ka ah ee ku sugan gobolka Kalbajar oo ka tirsan Nagorno-Karabakh ayaa bilaabay inay gubaan guryihii ay deganaayeen kaddib markii ay ogolaadeen inay ka baxaan oo ay ku wareejiyaan Azerbaijan.

Dadka rayidka ah ayaa bilaabay inaysan kaliya guryihii ay deganaan jireen gubine waxay sidoo kale dab qabadsiinayaan kaymaha gobolkaasi, iyagoo ka caroodey heshiiska dowladdoodu gashay, waloow la isku raacay inaysan dhulkaa sii haysan lahayn haddii uu dagaalku sii socdo.

Waxay sidan u yeelayaan inay ku dhibaan dadka Azerbaijani-ga ah ee halkaa kusoo noqonaya kaddib 27 sanadood, waayo gobolkan oo dhaca woqooyi bari Nagorno-Karabakh ama galbeedka Azerbaijan, waxaa haystey Ciidanka Armenia tan iyo 1993-kii.

Waxay taasi keentay inay halkaa ka qaxaan 60,000 oo reer Azerbaijan ah oo ku kala noolaa 128 tuulo, iyadoo aanay halkaa wax Armenian ihi joogin kahor xilligaas, balse ay soo dejisey dowladoodu.

Heshiiska lagu saxiixay Moscow ee uu Ruushka oo ka baxay garabka Armenia ka odayeeyey ee ay galeen Yerevan iyo Baku, ayaa dhigaya in Armenian-ku ay halkaa uga baxaan tan iyo 15-ka bishan Nof.

Hadalsame Media