Ruushka oo soo caga dhigtay Bariga Afrika (Dal siiyey saldhig la mid ah kii uu Somalia ku lahaa 70-meeyadii)

0

(Moscow) 14 Nof 2020 – Ruushka oo soo caga dhigtay Bariga Afrika isagoo xarun dhanka sahayda ah iyo hooso wayn ka samaysanaya dalka Suudaan, sida ku cad heshiis uu wax ka saxiixay RW dalkaasi, Mikhail Mishustin 6-dii Nof., balse haatan lasoo bandhigay.

Sida ku cad heshiiska xaruntan sahayda oo ay leeyihiin Ciidanka Badda Ruushka waxaa lagu bilaabayaa 300 oo askari, kuwaasoo iskugu jira ciidan iyo rayidba. Wuxuuna saldhiggani marti gelin karaa ilaa 4 markab oo uu ku jiro mid leh awoodda nukliyeerka.

Dowladda Suudaan ayaa Ruushka siinaysa kaabayaasha looga baahan yahay deked shaqaynaysa iyo dhul bannaan oo bilaash ah, taasoo Ruushka u ogolaanaysa inuu halkaa la yimaado nooc kasta oo agab ciidan ah, sida ku dhigan heshiiska.

Waxaa dheer, in heshiiskan oo jiraya 25 sanadood oo 10 kale lagu dheerayn karo, ay Ruushku goobtaa u adeegsan doonaan sidii bar-maamul oo dalkooda ka tirsan (Russia’s jurisdiction).

Bartan sahayda ciidamada baddu wuxuu noqonayaa saldhiggii ugu horreeyey ee ay Ruushku ku yeeshaan Afrika, yadoo kahor burburkii Soofiyeetka ay Somalia ku lahaayeen saldhig rigli ah.

Ruushka oo sidoo kale saldhig ciidan ku leh Suuriya, ayaa 2019-kii oo uu marti geliyey in ka badan 40 ka tirsan madaxda Afrika waxaa Kremlin-ka laga ogaadey inay Ruushku danaynayaan Afrika oo ah qaarad mar kasta u nugul faragelinta caalamiga ah, maadaama aysan lahayn hoggaan la mid ah kuwa dunida kale.

Hadalsame Media