Turkiga oo Somalia ka sameeyey arrin dalka muhim u ah balse aysan u degsanayn siyaasad qaran

0

(Muqdisho) 13 Nof 2020 – Turkiga ayaa maalgeliyey mashruuc lagu dhiraynayo meelo ka tirsan magaalada Muqdisho oo ay fulinayaan arday iyo dad Turki ah, taasoo lagu soo beegay maalinta Dhirta Qaranka, sida ay sheegtay hay’adda Tikasomalia oo kaashanaysa iskuullada ay maamusho Maarif, Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan iyo Kulliyadda Culuunta Caafimaadka.

”Waxaan tallaalnay geedo si aannu u dhisno mustaqbal cagaaran oo uu caalamkeennu yeesho.” ayay tiri Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo qoraal soo dhigtay boggeeda Facebook.

Sida ay sheegtay QM, dhulka Somalia wuxuu ka kooban yahay dhul sare, guban, iyo tigaadleey 80%.

Sidaa darteed, dhirayntu waa u muhim dal Somalia oo kale ah, iyadoo aanay jirin siyaasad heer qaran ah oo arrintaa wax lagaga qabanayo, waxaa dheer in dhirta loo jaro si aan caadi ah si dhuxul iyo xaabo looga dhigto.

Hadalsame Media