Ruushka & Shiinaha oo la caroodey in cunaqabataynta hubka laga qaado Somalia (Maraykanka oo qiray sababta Somalia loogu hayo)

0

(New York) 13 Nof 2020 – Golaha Amaanka ayaa kulan ay shalay ka yeesheen arrimaha Somalia, waxay soo jeediyeen in caalamku uu xakameeyo fursadaha ay kooxda Shabaabku helaan walxaha qarxa, hubka iyo rasaasta iyagoo DF Somalia faray in ay wax ka qabato maaliyadda ay kooxdani ka hesho gudaha Somalia oo $21 milyan oo doollar lagu qiyaasay sanadkii tegey.

Yeelkeede, waxaa la isku khilaafay waxa laga yeelayo cunaqabataynta saaran Somalia, taasoo qayb ahaan keenaysa inaysan DF awood buuxda u yeelanin inay si buuxda ula wareegto amaanka dalka.

Danjire Xigeenka QM ee Ruushka, Anna Evstigneeva, ayaa sheegtay in la sameeyey isbedello la doonayey in lagu khafiifiyo cunaqabataynta hubka ee Somalia, iyadoo taageertay tillaabadaas si loo dhimo halista argagixiso ee kooxda Shabaabka, sida ay tiri.

Balse Ruushka iyo Shiinuhuba waa ka aamuseen qaraarkan dambe. Danjire Xigeenka QM ee Shiinaha, Dai Bing, ayaa sheegay in Beijing ay ka aamustay kaddib markii uu goluhu diidey baaqoodii ku aaddana in la sahmiyo qaab lagu qaadi karo cunaqabataynta Somalia.

“Cunaqabatayntani waxay xanibaad ku tahay awoodda ciidamada amaanka Somalia,” ayuu yiri Bing oo sheegay in qaraarku aanu ka tarjumayn rabitaanka adag ee DF Somalia ee ah in cunaqabataynta la qaado.

Kaaliyaha Maraykanka, Rodney Hunter ayaa isagu ku dooday in cunaqabataynta loo joogtaynayo balse la saarayo guddi arrinta eega 12 bilood oo dheeraad ah, isagoo ku dooday in “sidaa loo yeelayo amaanka Somalia iyo guud ahaanba gobolka.”

Arrintan ayaa muujinaysa in dalalka Galbeedku ay yihiin Somalia cunaqabataynta hubka Somalia ugu haya sababo dan u ah dalalka deriska ah, sida Kenya iyo Itoobiya oo adeegsanaya siyaasiyiin iyaga u tabcan iyo qaar raadinaya wax aan abid soo socon balse fayla goynaya danaha qaranka iyo jiritaankooda.

Hadalsame Media