”Somalia waa saaxiib la isku hallayn karo” – Shiinaha oo sare u qaaday xiriirka Somalia

0

(Beijing) 13 Nof 2020 – Shiinaha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay meel sare gaarsiiyaan xiriirka ay la leeyihiin dalka Somalia, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedka dalkaasi, Wang Yi.

Wang ayaa warkan sheegay mar uu telefoonka kula sheekaystay dhiggiisa Somalia, Axmed Ciise Cawad, iyadoo uu Shiine ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyey ee Somalia aqoonsada, halka ay Somalia ahayd dalkii ugu horreeyey Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha.

Wang ayaa sheegay in labada dal ay isula dhaqmaan si ay xushmadi ku jirto oo siman, iyagoo wadaaga is faham ku aaddan danaha asaasiga ah ee uu midkoodba leeyahay.

Wuxuu sheegay in Somalia ay Shiinaha la tahay saaxiib la aamini karo iyo walaal, isla markaana ay xubin ka tahay madlaha Iskaashiga China-Africa, kan Carabta iyo Shiinaha iyo hindisaha cusub ee Belt and Road Initiative.

Wuxuu intaa raaciyey in Shiinuhu uu ku taageersan yahay Somalia inay ku dhaqanto siyaasad hal Shiine, sidaa darteedna ay iyagu taageeraan ilaalinta midnimada Somalia oo xiriir 60 sano jir ah la lahayd dalkiisa.

Wasiir Dibadeedka Somalia ayaa isna sheegay in ay Somalia diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeeyso Shiinaha si loo xoojiyo iskaashiyada dhinacyada kaabayaasha, dhaqanka iyo dad is dhaafsiga, si loo wanaajiyo xiriirka labada dal.

Yeelkeede, marka warka amaanta ah laga soo tago ma jiraan wax muuqda oo uu Shiinuhu ilaa haatan ballan qaaday inuu Somalia ka qabanayo dhanka dib u dhiska iyo xoojinta hay’aadka dowladeed.

Hadalsame Media