Siyaasiyiin Danish oo doonayey inay Qur’aanka ku gubaan Belgium oo la kulmay arrin aysan filaynin

0

(Brussels) 13 Nof 2020 – 5 siyaasi oo Danish ah oo ka tirsan xisbiga midigta fog ee Stram Kurs ayaa laga soo eryey dalka Belgium oo ay doonayeen inay ku qabtaan isusoo bax lagu gubayo Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Sida lagu faafiyey bogga Facebook ee kooxdan, dadka la xirey ee la musaafuriyey waxay ka tirsan yihiin Xisbiga “Stram Kurs,” ama “Mayal Adayg,” – oo uu hoggaamiyo siyaasiga qaswadaha ah ee Muslimka iyo soo galootiga neceb ee Rasmus Paludan.

Paludan ayaa sidoo kale naftiisa lagu xirey Faransiiska oo lagana soo musaafuriyey.

Stram Kurs oo Scandinavia caan uga ah maagista iyo daandaansiga Muslimiinta, ayay Maamulka Belgian ka war heleen inay Qur’aanka ku gubi rabaan degmada Molenbeek, oo ka tirsan caasimadda Brussels isla markaana ay ku nool yihiin dad badan oo Muslimiin ah oo Moroccan u badan.

Booliiska ayaa deeto kiiska raggan ay qabteen u diray Xafiiska Dacwad Oogaha Brussels, sida ay Agence France-Presse (AFP) u sheegeen dad ku dhow dhow baarista.

Sammy Mahdi, oo ah Xoghayaha Belgium ugu qaybsan magangelyada iyo soo galootiga, laftiisana ay dhaleen soo galooti Ciraaqi ah ayaa soo dhoweeyey xirista iyo cayrinta 5-tan nin.

“Bulshadeenna, oo awalba qaybsadeen uma baahna dad kale oo ugu yimaada inay nacayb abuuraan. Kalama jecli bidix iyo midig waxa ay yihiin, waxaase muhim ah amaanka bulshadeenna,” ayuu yiri Mahdi.

Paludan oo xirfad ahaan qarreen ah, horayna looga soo eryey Stockholm kaddib markii ay qalalaase wayn dhalisay kitaab uu ku gubey Malmö, ayaa Facebook ku sheegay 30-kii Oktoobar, inuu doonayo isu soo bax kitaab gubis ah post oo uu 11-kii bishan ku qaban lahaa Arc de Triomphe ee Paris, balse Faransiiska, oo ay ka jireen doodo Muslim nacayb ah, ayaa arrintaa diidey isagana soo cayriyey.

Hadalsame Media