Alex Song oo shalay lagu soo bandhigay Jabuuti & arrin uu dalkaa ka caawin doono

0

(Jabuuti) 13 Nof 2020 – Laacibkii hore ee xulka Cameroon ee Alex Song oo dhowaan qandaraas la galay kooxda ka dhisan dalka Jabuuti ee Arta Solar ayaa halkaa ka degey, iyadoo shalay lasoo bandhigay.

“Waxaan qandaraas 2 sanadood ah la galay kooxda Arta. Si aan sare ugu qaado ciyaaraha Jabuuti”, ayuu yiri laacibkii hore ee Barcelona iyo Arsenal khadka dhexe uga ciyaarayey oo war soo dhigay twitter-ka.

Laacibkan 33-jirka ah ayaa bilaa wakiil ahaa tan iyo Maarso, kaddib markii ay isaga iyo 8 laacib oo kale soo eryeen kooxda reer Swiss ee FC Sion iyagoo diidey inay mushaharkooda dhimaan cudurka Covid-19 dartii.

Arta oo fasalkii tegey hanatay Koobka Djibouti Cup horyaalkana 4-aad ka gashay, ayaa sidaa uga qayb geleeysa Koobka Koobabka Afrika Confederation Cup, oo ay wareeg-horaadka ku qaabilayaan kooxda Masriga ah ee Arab Contractors. Wuxuu Song ka qayb qaadan doonaa horumarinta da’yarta Jabuuti waloow aan la ogayn sida ay taasi ku suuragelayso.

Jabuuti ayaa qiimaynta FIFA uga jirta kaalinta 185-aad oo qiimaysa 210 dal, iyadoo Afrika uga jirta 51-aad, waxaana kaliya ka hooseeya Somalia, Seychelles iyo Eritrea.

Hadalsame Media