Midowga Yurub oo joojinaya lacagihii kaalmada ahaa ee dibedaha uga iman jirey masaajidda & macaahidda Muslimiinta (Dhegeyso)

0

(Brussels) 13 Nof 2020 – Midowga Yurub ayaa ku tala jirta in la dhimo fursadihii maalgelineed ee ay ururrada diimeed ka heli jireen dibedaha, sida laga filayo kulan ay maanta khadka ku yeelanayaan Wasiirrada Arr. Gudaha ee dalalka Midowga Yurub, taasoo jawaab u ah weerarradii argagixiso ee ugu dambeeyey, sida loo dhigay.

Wasiirradan ayaa khadka la iska arko ku yeelanaya kulan aan caadi ahayn oo deg deg ah kaddib weeraradii ka dhacay Faransiiska, Austria iyo Jarmanka.

Wasiirrada ayaa isla eegi doona baaq ka kooban 10 bog, kaasoo marka laga soo tago in uu cambaaraynayo weerarrada dhacay uu misna ku baaqayo in tillaabooyin adag la qaado.

Qoraal wada jir ah oo kulanka ka hor la diyaariyey oo ay wakaaladda Ekot nuqul ka heshay ayaa waxaa ku dhigan in la sameeyo iskaashi ka badan oo dhex mara hay’aadka amaanka sida booliiska, sirdoonka iyo nabad sugidda, in la is dhaafsado xogaha iyo in la adkeeyo xuduudaha ay MY la leeyihiin dalalka ka baxsan xayndaabka Schengen Zone.

Waxaa jira fikrado lasoo jeediyey oo laga saaray bayaanka kaddib markii uu muran badani ka dhashay, waxaana ka mid ahaa:

Qoraallada ku saabsan Islaamka iyo in loo baahan yahay in la adkeeyo dalabyada la dul dhigayo soo galootiga isla markaana la ciqaabo ciddii u hoggaansami wayda qiyamka reer Yurub oo dhexgeli wayda bulshada, iyadoo soo galootiga laga rabo in ay dhaqse dadka dhinac uga raacaan.

Waxaa kale oo la xooray aragti kasoo fushey MW Midowga Yurub, Charles Michel, kaasoo soo jeediyey in Imaamyada Muslimka ah lagu tababaro macaahidda Midowga Yurub.

Yeelkeede, baaqa ayaa haatan u dhigan in waxbarashada diimeed ay ka dhex dhacdo xadka Midowga Yurub gudihiisa iyadoo weliba waafaqaysa qiyamka iyo dhaqanka reer Yurub.

Hadalsame Media