Maxaadan ka ogayn arooska aadka loo hadal hayo sida da’da gabadha & arrimo kale + Sawirro

0

(Garoowe) 12 Nof 2020 – Waxaa marar badan dhacda in lagu mashquulo nolosha khaaska ah ee dad badan oo wax xog ah laga haynin duruufaha ku hareereeysan iyo dookha ku dhex jira. Waxaa aad loo maagaa oday gabar arooday ama habar wiil yar aroostay, iyadoo aan la tixgelinaynin khaasnimada noloshooda (privacy), taasoo khalad wayn iyo badownimo ah.

Weriye Cawil Cali Jaamac, ayaa yara iftiiminaya sheekada dhabta ah ee Farxiyo Cabdi Faarax waa caruusadda da’deeda ay ka dhalatay hadal-heynta faraha badan kaddib sawiro laga baahiyay xaflada arooska ayada iyo seygeeda Maxamuud Abshir Faandhe (Xildhibaan Cabbeeye) oo ka dhacay Dooxada Ceel-Wacayseed ee Gobolka Nugaal.

Qaar kamida Qoyska Gabadha oo aan la xiriirey kadib markii dadyow badan ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen Da’da gabadha oo ay sheegeen inay ka yar tahay heer ay guur gaarto waxaa Ehellada Casuuraddu sheegeen in Farxiyo 18-sano jir tahay.

Arooskaan hadal-heynta ka dhaliyay Baraha Bulshadu ku kulanto ayaa ah mid ka duwan kuwii hore ee Miyiga lagu qaban jirey, isagoona noqonaya Arooskii ugu horeeyay ee noocaan oo kale ah kana qabsooma miyiga.

Xildhibaan Maxamuud Abshir faandhe(Caruus Cabbeeye) ayaa ka mid ah Xubnaha Gollaha Deegaanka Degmada Garowe ee Caasimadda Puntland, waxa uu sheegay in sababta ku dhalisay inuu dhisto Baadiyaha ay tahay soo Nooleynta Hidaha iyo Dhaqanka Somaaliyeed oo ay dhif tahay in Aroos kan oo kale ah uu ka dhaco Miyiga.

Arooska Maxamuud Iyo Farxiyo Waxaa uu Tusaale u yahay Adkeynta Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida ee soo jireenka ah.

Waxaa Qoray: Cawil Cali Jaamac

Hadalsame Media