”CASHADII ABBAAYO!”: Dahabadii kalluunka duban dalbatay ee DIGIRTA loo duubay (Sheeko maad badan)

0

(Hadalsame) 12 Nof 2020 – Facebook ayay iska barteen. Caawa ayay maqaayad isu raaceen, casho fudud ayay ka cuneen, isaga ayaana qarashkii bixiyay. Markii ay soo bixi rabaan ayay ku tiri: abbaayo Caasho ayaa casho ii soo dirsatay gacaliye, ee aaway kabalyeerigii?

Kadibna waxay dalbatay haaf bariis ah iyo kalluun solan (girille) oo safaari ah. Yarkii oo dareemaya in uu lacagtaas isagu bixin doono ayaa isaguna ku yiri: abbaayo anigu xitaa awoowehey ayaan casho u qaadi rabaa, wuxuuna dalbaday haaf cambuulo ah oo safaari ah.

Markii uu kabalyeerigii ka tegay ayuu istaagay isagoo iska dhigaya qof taleefan ku hadlaya. Kadibna inta baxay ayuu kabalyeerigii u tegay, wuxuuna waydiiyay qiimaha cashada. Kabalyeerigu wuxuu shergay in bariiska iyo kalluunku yihiin $12, cambuuladuna $1.

Wuxuuna ku yiri: saaxiibow iska dhaaf dalabka bariiska iyo kalluunka ah ee labadaba cambuulo ka soo dhig, wuxuuna hormaris ugu diray lacagtii cambuulada oo isku noqotay $2. Kadibna gabadhii ayuu la soo fariistay.

Kabalyeerigii ayaa dalabkii keenay, labadii cambuulo ayayna kala qaateen, balse gabadhu waxay u maleysaa in ay bariis iyo mallaay wadato. Markii uu guriga tegay ayuu wacay, wuxuuna ku yiri: abbaayo kabalyeerigu dalabkaadii in uu aniga i siiyay ayaan u maleynaa oo bariis iyo kalluun ayaan wataa, ee adiga miyuu dalabkeygii kugu qalday?

Inta furtay ayay ku tiri: haa aboowe. Aniga ayuu i soo siiyay cambuuladii aad awoowe u dalabtay. Wuxuuna ugu jawaabay: sorry. Awoowahey wax aan cambuulo aheyn afka ma saarayo, aniguna waan casheeyay, adiguna iima dhowid ee hadda bariiskaan iyo kallunkaan see yeelaa sharafey?

Waxaa iigu dambeysay isaga oo cambuuladiisii cunaya, oo ku heesaya: nin lagu seexdoow ha seexan.

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media