Haddii ay Itoobiya colaad sokeeye ku siibato saamayn intee la’eg ayay Somalia ku yeelan kartaa?!

0

(Hadalsame) 12 Nof 2020 – Haddii Ethiopia, kala daadato, dagaal sokeeyo ku dhufto, dowladnimadeeduna burburto, dhib iyo dheef maxaa Soomaalida, ugu jira? waa su’aal Soomaalidu, aad isu weydiineyso.

Dhibka dowlad kula deris ah ku dhaca lama dhinac ayaa laga eegaa.

Mid dhaqaale aad isku tiirsan tihiin oo meesha ka baxaya iyo mid bulsho aad isku xiran tihiin oo burburaya.

Soomaaliya iyo Ethiopia, dhaqaale ahaan siddeed ($8) malyuun ayaa sanadkii dhex mara marka ganacsiga qaadka laga reebo. Siddeedda malyuun ayaa kasoo baxda badeeco Ethiopia, u soo dhoofiso Soomaaliya. Badeecadda iyo ganacsiga dhaqaale ee Soomaaliya, u dhoofiso Ethiopia waa adduun aad uga yar labo (2) malyuun. Ebid ganacsiga Soomaaliya, u dhoofiso Ethiopia, sanadkii 2016 ayuu labo (2) malyuun kor u dhaafay.

Lixdan (60) sano oo Soomaaliya dowladda tahay sanadkii 2014 ayaa ugu badnaa badeeco iyo ganacsi Ethiopia, nala wadaagto. Adduun dhaqaale oo toban (10) malyuun ah ayaa Ethiopia, ka faa’iday Soomaaliya, sanadkii 2014 sida Qaramada Midoobey diiwaangelisay.

Ma jiro ganacsade iyo sharikad Soomaaliyeed, oo maalgashi toban (10) malyuun dhan ku leh Addis Ababa, Dirirdhabe iyo Jigjiga toona. Sidaas si lamida sharikad iyo ganacsato Ethiopia, ka yimid oo Soomaaliya, maalgashi ku leh ma jiro, marka dhowr jaamacad oo sirdoon ku hoos jiro laga reebo.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Ethiopia, ma jiro dhaqaale buuran, warshado waa weyn, ganacsi iyo isku socod badeeco ayaga iyo dadyowga kale ee Ethiopia, dhex mara oo xataa gaaraya labaatan (20) malyuun oo diiwaan gashan.

Dad ahaan Soomaaliya iyo Ethiopia, labo dadyow oo isku xiran oo xiriir wanaagsan leh, isku socod iyo dhaqan nololeed ka dhaxeeyo maahan. Soomaaliya iyo Ethiopia, waa daris aan dabka kala qaadan, aad u kala qalooda, dunidana isugu xiga. Sababtu waa taariikh aad u gun iyo baacdheer oo horrey iyo hadda u dhextaal dadka.

Xiriirka dhaqaale ee ugu dhow ee Soomaaliya iyo Ethiopia, dhex mara waa ganacsiga qaadka oo Soomaalida, lagu xaalufiyo dhankasta (dhaqaale, nolol iyo jiritaan bulsho). Shan boqol iyo konton ($550) malyuun adduun ka badan ayaa sanadkii Ethiopia, ka faa’idaa daabulidda qaadka ay kusoo daabusho Hargeysa, oo keliya.

Haddii dagaal sokeeyo oo dambaska dhiga ka dhaco Ethiopia, walaaca ugu weyn ee Soomaaliya, qabtaa waa in qaxooti daad ah nagu soo jabo. Labo qaawan isma qaado ayaa walaacsaa jawaab u ah. Ethiopia, lix (6) dal ayaa deris ay xad iyo xuduud wadaagaan la ah. Xasilooni, nolol iyo helidda kaalmo qaxooti dhamaan lixdaas dal waa ay ka roon yihiin Soomaaliya, waana uga roonaanayaan dad qax ah oo kaalmo caalami ah raadinaya.

Adduun hadda waxaa la joogaa qaxootiga laga ganacsado oo UNHCR, the UN Refugee Agency, NRC – Norwegian Refugee Council, International Rescue Committee
iyo hey’ado lamid ah ka macaashaan qaxa, qaxootiga iyo soo dhaweynta dadka.Ma qabo walaac iyo wax weyn oo Soomaaliya ku waayeyso haddii Ethiopia burburto. Waan se qabaa dariskaaga oo burburaa dhibi waa ku gaarin, haba yaraadee.

Waxaa Diyaariyey: Mahad Geelle

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa qofka ku saxiixan

Hadalsame Media