DHEGEYSO: Cudur ay dad qabaa inta badan ku dhintaan qaybaha daryeelka deg degga ah ee cudurka Covid-19 (Daraasad cusub)

0

(Hadalsame) 12 Nof 2020 – Dadka qaba cudurrada raaga ee dhanka sambabada ayaa la sheegay inay halis wayn ugu jiraan inay dhintaan marka la dhigo xarumaha bixiya daryeelka deg degga ee intensivvårdsavdelningar ee dalka Sweden marka uu helo cudurka covid-19. Sida ku cad daraasad aan weli la daabicin.

Ragga waayeelka ah ayaa weliba ah kuwa halista ugu wayn ku jira, balse marka la isku duubo cudurrada raaga waxaa ugu daran kuwa sambabbada, sida ay sheegtay Michelle Chew, oo ah professor-rad taqaanna daryeelka deg degga ah kana tirsan jaamacadda culuunta caafimaadka ee Linköping  universitets sjukhus, isla markaana ah qoraaga ugu wayn cilmi baaristan.

Waxaa horay cudurradaa liiska halista ah loogu daray ka mid ahaa dhiig-karka, buurnaanta, wadne xanuunka iyo sonkorta, yeelkeede, waxaa kaligii gaar u baxay cudurrada sambabka gaar ahaan cudurka  KOL – kroniskt obstruktiv lungsjukdom – oo ah in ay xirmaan buufin-yarayaasha neeftu marto ee sambabada kaddibna uu dhecaan ka samaysmo, dadkaasoo u batay kuwa ku dhinta waaxaha daryeelka deg degga ah ee isbitaallada Sweden.

Waxaa daraasadda lagu soo qaatay 1,500 oo bukaan ah oo isbitaallada gaar ahaan qaybaha daryeelka gaarka ah la dhigay intii u dhaxaysey 6dii Maarso ilaa 6dii Maajo ama May, waloow ay daraasaddu weli qabyo yahay oo aan weli si rasmi ah loo fasixin.

3 ka mid ah dadka ay idaacadda arrimaha sayniska ee Vetenskapsradion arrintan hor dhigtay waxaa ku jira prof., Jonas Åkesson, oo daryeelka deg degga ah ka dhiga Jaamacadda Lunds Universitet, wuuna la yaabay isagoo ku baaqay in dadka kale ee qaba cudurrada raaga ay laftoodu taxadaraan.

Waloow aanay daraasaddani muujinaynin in dadka qaba cudurrada kale ay ku jiraan halis la mid ah midda dadka qaba cudurrada sambabada ee daran, misna meesha lagama wada saarin inay laftoodu halis ku jiraan, haddii uu ku dhoco coronavirus.

Caalimka cudurrada faafa ugu qaybsan Sweden, Anders Tegnell oo ka mid ah cilmi baarayaasha daraasaddan oo uu weliba fasaxiisii uga baaqday, ayaa ka sheekeeyey sida ay tahay in hadda kaddib loola dhaqmo dadka qaba cudurrada sambabada ee raaga.

Hadalsame Media