Masjidkii 2-aad oo Sweden ku yaalla oo loo diray boosto hanjabaad ah oo ay wax ku jiraan

0

(Eskilstuna) 12 Nof 2020 – Masjid wayn oo ku yaalla magaalada Eskilstuna ayaa loo diray boosto hanjabaad ah oo ay ku jirto budo cad oo aan weli la garan.

Qof ka mid ah dadka masjidka ka shaqeeya ayaa warqadda ka helay masjidka kaddibna furay, isagoo u sheegay maamulka masjidka oo arrintan ka walaacey.

”Dadku waxay xusuustaan Christchurch, oo uu nin ku laayey 51 qof, dadkuna waxay weli cabsi ka qabaan inay taas oo kale dhici karto mustaqbalka,” ayuu yiri afhayeen u hadlay masjidka, Anas Deneche.

Masjidka Eskilstuna ee wayn ayaanay tani u ahayn hanjabaaddii ugu horreeysey, balse waxaa horay loogu soo diray farriimo iyo xitaa wicitaanno caadi ah oo is qarinaya, iyadoo loo sheegayo inay ka tagaan Sweden oo ay yihiin ”dilayaal iyo argagixiso” aan meel ku lahayn bulshada, taasoo booliiska horay loo ogaysiiyey.

Waa masjidkii 2-aad oo todobaad wax ka yar warqad loo diro, iyadoo horay masjidka wayn ee Malmö loo diray warqad ay booliisku sheegeen inay ku jireen ”walxo halis ah.”

Hadalsame Media