”Wuxuu taabtay laacibiinta oo dhan!” – Taageerayaasha Turkiga oo ka xumaaday arrin uu sameeyey laacib kabtanka Croatia (Fal-celin)

0

(Istanbul) 12 Nof 2020 – Taageerayaal aad u caraysan ayaa kulamada saaxiibtinnimo ee la ciyaarayo xilligan lagu jiro cudurka coronavirus, kaddib markii uu 45 daqiiqo ama hal kaambiyo ciyaaray laacibka  Croatia ee Domagoj Vida kulankii Turkiga tiiyoo ay jirto inuu qabo Covid-19.

Kulamadan oo awalba UEFA lagu dhaliilay xilli lagu jiro cudur faafa iyo fasal-ciyaareed iskiiba u daal badan oo uu sabab u yahay isla cudurka karoonaha ayaa iminka dood cusubi ka joogtaa.

Vida ayaa salaamey laacibiin uu ka mid yahay midka Real Madrid ee Ballon d’Or hantay ee Luka Modric, isagoo sidoo kale taabtay laacibiin badan oo ka tirsan xulka Turkiga, kahor intaan kaambiyadii laga helin cudurka Covid-19.

Xiriika Croatia ayaa war rasmi ah oo uu soo saaray ku sheegay in ”shakiga natiijada Vida” ee baaristii horay looga qaaday kaliya lagu wargeliyey xilligii kaambiyada ee ciyaarta oo lagu qabtay Istanbul.

Ha yeeshee, waxaa arrintan aad uga xumaaday taageerayaasha Turkiga, kuwa xulalka kale iyo xitaa laacibiin, kuwaasoo ku baaqay in haatan la joojiyo kulamadan saaxiibtinimo sidoodaba.

 

Visa det här inlägget på Instagram

 

?Home

Ett inlägg delat av Domagoj Vida (@domagojvida)

 

Visa det här inlägget på Instagram

 

Abiii #cometobesiktas ????

Ett inlägg delat av Domagoj Vida (@domagojvida)

Hadalsame Media