Dadka kasoo kabta cudurka Covid-19 oo la sheegay inay ku dhacaan cudurro dhanka dhimirka ah (Daraasad)

0

(London) 11 Nof 2020 – In badan oo ka tirsan bukaannada ka raysta cudurka Covid-19 ayaa laga helay cudurro dhanka dhimirka ah bilo kaddib markii ka bogsadeen cudurka coronavirus, sida ku cad daraasad cusub.

Daraasaddan oo lagu daabacay warqaadka cudurrada dhimirka ee The Lancet Psychiatry Journal, ayay cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadda University of Oxford waxay falanqeeyeen diiwaanka caafimaad ee 69 milyan oo qofood oo ku dhaqan Maraykanka, waxaana ka mid ahaa 62,354 oo qof oo uu horay ugu dhacay cudurka Covid-19 intii u dhaxaysey Jannaato 20 ilaa Agoosto 1.

Waxaana soo baxday in 20% ka mid ah dadkii uu karoonuhu ku dhacay markoodii 1-aad laga helay cudurro dhanka dhimirka ah muddo 90 cisho ah kaddib markii duraygaa Covid-19 laga helay.

Waxaa cudurrada laga helay ka mid ah cabsida, welwelka ay diiqaddu keento, PTSD iyo Panic disorder, sidoo kale hurdo la’aan iyo ilowsho (dementia), sida uu sheegay Paul Harrison, oo ah professor yaqaan cudurrada dhimirka kana mid ahaa hoggaankii daraasaddan, isagoo soo jeediyey in howlwadeennada caafimaadku ay il gaar ah u yeeshaan dadka kasoo kabta karoonaha oo uu sheegay in “hadda xaaladooda la fududaysto.”

Hadalsame Media