DHEGEYSO: ”Waxaasi tababar shaqo ma ahayne ADDOONSI ayuu ahaa waxaana ila qaba hooyooyin badan”

0

(Stockholm) 11 Nof 2020 – Hooyada Yordanos Berhane Tesfai ayaa sanad iyo 4 bilood ku howlanayd shaqo praktik ah oo uu ku qoray Xafiiska Shaqada Arbetsförmedlingen iyadoo filaysey in la shaqaalayn doono, balse rajadaa haatan waxaa bedeshey quus, waxayna sheegtay inay taqaanno hooyooyin badan oo iyada la mid ah oo ku dhaqan xaafadda ay danyartu u badan tahay ee Rinkeby. Hooyo Yordanos Berhane Tesfai waxay u warrantay hilinka SVT.

Shaqo la’aanta ayaa sanadihii tegey kusii kordheysey Sweden, haweenka ajnabiga ihina kumaba sii jiraan oo safka gadaal ayay ka taagan yihiin. Xaafadaha Järva iyo Skärholmen ee magaalada Stockholm, 10-kii dumar ah ee ajnabi ah ee ay da’doodu u dhaxayso 25-64-jir waxaa ka mid ah mid baagamuundo ahayd muddo sanad ka badan.

Yordanos Berhane Tesfai waxay makhaayad bixisa cuntada fudud ay muddo sanad iyo 4 bilood ah praktik ahaan qayb uga ahayd barnaamijka damaanadda shaqada iyo hormarinta ee uu bixiyo xafiiska Arbetsförmedlingen, balse maadaama ay horay u dhaaftay xadka lacag ay siinaysey Hay’adda Caymiska Bulshada ee Försäkringskassan, waxba laguma siinaynin shaqada ay mudadaa haysey, taasoo ay haatan iska dhaaftay kaddib markii ay gabadheedu sidaa kula talisay, iyadoo kaalmo waydiisatey xafiiska cayrta degmadeeda.

– Kaligeey ma aha, waxaa jira hooyooyin badan. Waxaan ku nool nahay nolol faqri ah, xitaa waxaan ku shaqaynaa si bilaash ah, ma moodaysid inaan Sweden-ba ku nool nahay, ayay tiri.

Hadalsame Media