Maraykanka oo halis ugu jira xasarad siyaasadeed & Trump oo damacsan arrin dhib wayn horseedi karta

0

(Washington, DC) 11 Nof 2020 – MW Donald Trump ayaa horay u diidey inuu aqbalo in laga badiyey, waxaana deeto taageeray xisbigiisa Jamhuuriga ee Washington, balse waxay arrintu kasii dartay markii uu Wasiir Dibadeedka dalkaasi ee Mike Pompeo uu sheegay inay ”xilka ula wareegayaan si nabdoon”, isagoo u hadlaya sidii in Trump guulaystey-

Ninkan oo ka mid ah ragga yar ee daacadda u ah Trump, ayaa warfidiyeenka oo waydiiyey sababta ay u lug jiidayaan inay natiijada aqbalaan, ayaa waxaa uu kaga yaabiyey in ay xilka ula wareegayaan si ”aan dhib lahayn.”

Trump oo ku doodaya in doorashada lagu shubtay waloow aanu wax cadayn ah keenin, ayaa xitaa eryey Wasiirkii Gaashaandhigga Mark Esper, isagoo Pentagon-ka gaystey rag isaga u daacad ah, si ciidamada Maraykanka loogu adeegsado haddii ay dibed baxyo dhacaan, waloow ay taasi adkaan doonto oo aanay sidaa u sahlanayn. Waxaa sidoo kale meelaha qaar iskugu soo baxay taageerayaashiisa oo hubaysan.

Biden oo xalay la waydiiyey sida uu u arko inuu ”tillaabo sharci ah qaado” iyo dhibka ka haysta inuu bilaabo howlaha la wareegista xilka oo loo dhaarinayo 20-ka Jannaayo, ayaa yaraystay arrinta isagoo sheegay in ay durba wadaan la wareegista howsha, isla markaana aanay daruuri ahayn tillaabo sharci ah, tiiyoo uu diidmada Trump uu ku tilmaamay “mid laga yaxyaxo.”

Yeelkeede, codad la qaaday ayaa muujinaya in ku dhowaad 80% dadka Maraykanka ah oo ay ku jiraan kala bar Jamhuuri ihi ay qabaan in Biden uu ku guulaystey doorashadii 3-dii Nof., sida ku cad codayn ay sameeyeen Reuters/Ipsos.

Mairia Trump oo la dhalatay MW Trump, isla markaana qortay buug ay cinwaan uga dhigtay ”sida uu qoyskeennu usoo saaray ninka caalamka ugu khatarsan”, ayaa sheegtay in ninkani aanu ogolayn qof baa kaa raayey oo haddii laga guulaysto uu ku dadaali doono in lala wada dhoco.

Hadalsame Media