“Waxaan qaatay go’aan xanuun badan!” – Armenia oo saxiixday heshiis ay uga baxayso Karabakh xilli uu RW dalkaasi dadkiisa kula hadlay qoraal dheer oo catow ah (Akhri)

0

(Moscow) 10 Nof 2020 – RW Armenia  Nikol Pashinian, ayaa caawa sheegay inuu qaatay “go’aan xanuun badan” oo uu heshiis kula gaarayo Azerbaijan iyo Ruushka si loo joojiyo dagaalka uu kula jiro Azerbaijan isla Talaadada.

“Waxaan saxiixay in la dhameeyo dagaalka Karabakh,” ayuu yiri Pashinyan oo war rasmi ah soo saaray, isagoo go’aankaa ku sheegay mid u “xanuun badan isaga iyo dadkiisaba.”

Kremlin ayaa isna war uu soo saaray ku xaqiijiyey inay labada dhinac ku heshiiyeen in si “buuxda loo joojiyo dagaalka Nagorno-Karabakh.

Pashinian ayaa sheegay inuu qarankiisa u khudbayn doono “maalmaha soo aaddan” isla markaana uu go’aankan qaatay kaddib “falanqayn qoto dheer oo ku qotonta xaaladda ciidan.”

MW Ruushka, Vladimir Putin, ayaa isna sheegay in xabbad joojintu durba dhaqan gashay oo ay askarta Azerbaijani iyo Armenia kala joogi doona barta ay haatan ku kala sugan yihiin.

Sida ku dhigan Middle East Eye, Armenia waxay ka bixi doontaa dhul fara badan oo ka tirsan Karabakh oo horraanba meelo badan laga xoreeyey.

Waxaa halkaa la gayn doonaa ciidamo nabad ilaalin ah oo ka kala socda Ruushka iyo Turkiga, sida uu sheegay hilinka Haber Global TV.

MW Azerbaijan, Ilham Aliyev, oo isna qarankiisa u khudbeeyey ayaa guul ku geeraaray isagoo sheegay in RW Pashinian uu ku “khasbanaaday inuu heshiis qaato” kaddib markii ay Azeri-gu dhul badan qabsadeen, gaar ahaan Shusha.

Qabsigan ugu dambeeyey ee Shusha ayaa iskaakada ku gediyey Armenia, waayo waa magaalo leh qiime istaraatiji ah oo marka laga soo tago inay ku taallo dhul sare misna waxay 10 km ama 6 mayl oo qura u jirtaa caasimadda Karabakh ee Khankendi (Stepanakert) kaaga darane waxay ku taallaa jidkii ku xirayey Armenia.

Sida ku cad tibxaha heshiiska oo ay dusiyeen dad ku dhow dhowi, Yerevan waxay hadda ka baxaysaa 5 ka mid ah 7-da raions oo ah qaab maamul oo uu u dhisan yahay gobolka Nagorno-Karabakh, iyadoo 15 maalmood ka baxaysa 2-da harsan.

Waxaa kale oo ku jira in la furo laba jid oo uu mid si KMG ah iskugu xirayo Armenia iyo Nagorno-Karabakh si ay Yerevan waxeeda uga qaadato iyo jid kale oo gayiga Azerbaijan ee Nakhcivan ku xiraya Baku.

Ruushka ayaa durba soo diray 1,960 askari oo wata 90 gaari oo gaashaaman iyo iyo 380 kale si ay si KMG ugu bedelaan meelaha ay joogaan Armenia.

Halkan ka akhri qoraalkiisa…

Hadalsame Media