Gabar Soomaali ah oo la kulantay cunsuriyad nooc cusub ah oo aan xitaa dhar loo gelin

0

(Melbourne) 10 Nof 2020 – Gabar madow ah ayaa loo sheegay inaysan geli karin guri ay ijaaratey sabab la xiriira cunsuriyad dhanka isirka iyo midabka ah.

Sadia Mohamed oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa laba qol oo jiif ah ka ijaaratey guri biyo ku jeed ah oo ku yaalla Melbourne kaasoo ay leedahay Airbnb si ay ugu dabbaal degto sanad-guuradii 19-aad ee dhalashadeeda.

Waxaa la sheegay inay doonaysey inay halkaa ku qaadato todobaad-dhamaadka iyada oo ay walaasheed wehliso kaddib bilo badan oo ay ku jireen xaalad handaraab ah socdey 111 maalmood.

Yeelkeede, kaddib markii ay bixisay khidmaddii lagu lahaa, waxaa looga yaabiyey in lagu yiri meeshan ma joogi kartid waayo waxaad tahay ”madoow.”

‘Mahadsanid in badan! Haddii se aad madow tahay, naga cafi inaynaan ku qaabili karin,’ ayaa loogu sheegay farriin telefoonka loo marsiiyey.

Sadia Mohamed (pictured, left) had booked a two-bedroom waterfront apartment in Melbourne to stay at with her sister for her 19th birthday
Sadia Mohamed (sawiran, bidix)

‘Hagaag, lacagtayda iisoo celiya maadaama aan madow ahay,’ ayay markiiba ugu af celisey, iyadoo loo sheegay inay foom soo buuxiso una soo dirto Airbnb haddii ay doonayso in lacagta loo celiyo.

Sacdiya ayaa Daily Mail Australia u sheegtay inay la yaabtay cunsuriyad sidaa u cad iyo sida sahlan ee qofka ay la macaamishay uu midab takoorka ula bareerayey isagoo jooga ”sanadka 2020”, iyadoo sheegtay in markii ay guriga ijaarteen 2 maalmood kaddib warkan lagu yiri.

Ha yeeshee, haatan shaqadii waa laga fariisiyey qofkii hadalkaa ku yiri sida uu sheegay Derek Nolan, oo Airbnb ugu qaybsan adeegga macaamiisha, sidoo kalena waxay bilaabeen baaris.

Hadalsame Media