”Waxaa soo noqonaya wada shaqayntii Sweden & Maraykanka” – RW Sweden oo ku dhega hadlay Donald Trump soona dhoweeyey Biden (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 09 Nof 2020 – Raysal Wasaaraha Sweden, Stefan Löfven, ayaa soo dhoweeyey Madaxwaynaha dooran ee Maraykanka ee Joe Biden, isagoo carrabka ku adkeeyey in siyaasadihii caalamiga ahaa sida midda cagaaran ama bay’adu ay haatan dib u hanaqaadi karto.

Intii lagu jirey afartii sanadood ee uu Trump madaxda ahaa, waxaa dhacay dhibaatooyin badan gaar ahaan xiriirka ganacsi ee uu Maraykanku caalamka la leeyahay, waxaana xitaa isku xumaaday Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ah ologga ugu dhow. Yeelkeede, Stefan Löfven ma filayo in Joe Biden laftiisu wuu wax badan ka bedelayo siyaasadda ganacsiga.

Ha yeeshee, Stefan Löfven oo horay shakhsiyan ula kulmay Joe Biden 2016kii ayaa wuxuu qabaa inuu yahay qofka ku habboon inuu xilka kala wareego Donald Trump.

– Waxaan Joe Biden bartay xilligii uu ahaa MW Xigeenka waxaana ogaadey inuu yahay qof daacad ah oo ay cagihiisu dhulka yaallaan, waxaana qabaa inuu yahay qofka ku habboon shaqadan iyo sidoo kale dib u midaynta Maraykanka, ayuu yiri Stefan Löfven.

Hadalsame Media