”Haddii aad warkaas ka sheegayso rakada Aqalka Cad caddayn ayaa lagaa rabaa” – Raggii ku dhowaa Trump oo kusoo jeestey & qaar yar oo ku qalqaalinaya inuusan is dhiibin

0

(Washington, DC) 09 Nof 2020 – Xerada Donald Trump ayay ka bilowdeen laba arrimood oo is dhinac socda; dhinac waa is eed eed gudeed oo lagu dhaliilayo dadkii horseedka ka ahaa ololaha dib u doorashada Trump, iyadoo la sheegay in xitaa farta lagu godey Jared Kuchner oo uu soddog u yahay Trump oo lagu qabsaday in uu saadaalin kari waayey inay tan oo kale dhici karto, sida ay ilo gudeed soo dusiyeen.

Qaybta kale waa dadka Trump ku dhow oo garowsanaya in laga badiyey oo aan rajo jirin. “Dareenkaygu wuxuu yahay in nalaka adkaaday,” isagoo sheegay in hab codaynta la bedeley cudurka karoonaha dartii ay galaafatay in dib loo doorto Trump.

Xayndaabka xayaysiga sii noqonaysa ee Trump oo ay rag badani iskaga bexeen sida Barasaabkii hore ee New Jersey Chris Christie iwm, ayaa sidoo kale ka digaya in dhaxalka siyaasadeed ee Trump uu sumcad beelayo haddii uu muddo dheer kusii dheganaado in aan laga badin ama uu ku fogaado qaadista tillaabooyin sharci ah, balse waxaa jira rag taa ku qalqaalinaya.

Raggaas oo ka mid ah kuwa weli ku harsan xayndaabka sii koobmaya ee Trump, ayaa waxaa laga sheegay Duqii Hore ee magaalada New York City, Rudy Giuliani iyo la taliyeyaasha Corey Lewandowski iyo David Bossie, kuwaasoo Trump ku qalqaaliyey inuusan marnaba tanaasulin.

“Haddii aad adigoo dul taagan rakada Aqalka Cad aad sheegayso war noocaas ah waxaad u baahan tahay in aad caddayn keento. Looma baahna in umadda la xajiimeeyo iyadoo aan xog la haynin,” ayuu ku dooday Chris Christie oo la hadlay ABC News oo sidoo kale Trump ku eedeeyey inuusan wax istaraatijiyad ah la imanin, balse uu qabtay shirar jaraa’id oo isku dhex yaacsan.

Qarreenkii hore ee MW Donald Trump ee Michael Cohen ayaa isagu horay u saadaaliyey in ay u badan tahay inuu ka cararo Aqalka Cad oo uu fasaxa Christmas-ka ku qaato beertiisa raaxada ee Mar-a-Lago si uu uga dhuunto munaasabadda caleemo saarka Joe Biden ee bisha Jannaayo, taasoo ah ficil ugub ah.

Hadalsame Media