Mustafa Cagjar oo ku socda khalad uu horay u sameeyey Cabdi Ileey & 5 arrimood oo ay tahay inuu ka baaraandego

0

(Addis Ababa) 10 Nof 2020 – MW Maamulka Gobolka Soomaalida, Md Mustafa Cagjar, ayaa u muuqda mid samaynaya khalad u eg isla midkii dadka badan ee Soomaalida ah galaaftay ee Cabdi Ileey.

Md Cagjar oo ah nin aqoonyahan ah ayaa ka qayb galay dood ka baxday Barnaamijka Inside Story ee Al Jazeera English, ayaa sidii uu maalin hore sheegayba wuxuu weerar ku qaaday Maamulka Tigreega oo haatan hardan kula jira DF Itoobiya.

MW Gobolka Soomaalida ayaa sidoo kale wuxuu u muuqdey inuu yahay Afhayeenka DF Itoobiya oo uu sheegay inay soo celinayso nidaamka iyo kala dambaynta si loo dhowro midnimada umadda Itoobiya.

MAXAA HADAB U EG SOOMAALIDA?

1 – Dadka waxgaradka ah ee Soomaalidu, meel kasta oo ay joogaan, waxay qabaan in Gobolka Soomaalidu uu arrimahan ka gaabsado maadaama aanu qayb ahaan kuba khasbanayn inuu arrintan ka hadlo maadaama ay tahay arrin u dhexeeysa gobol kale iyo DF xitaa haddii ay run tahay in Tigreegu uu meel kasta dab iskaga dhejiyey oo aanu cidna dhaafin, haatan lafteedana uu Soomaalida oo uu shalay u adeegsadey Oromada uu haatan kusoo dirayo Canfarta.

2 – Waxaa kale oo muhim ah in Gobolka Soomaalida aanay khasab ku ahayn laxa-jeclo badan iyo inuu muujiyo sida uu daacad ugu yahay Itoobiya marka la eego sida loola dhaqmo Soomaalida oo weli dabaqad 3-aad halkaa ka ah, iyadoo la ogaa hadallo ka badbadis ahaa oo kasoo bixi jirey Cabdi Ileey oo aan u keenin wax ka badan in la adeegsado oo lagu shaqaysto dadkiisana la gumeeyo markii dambena ay gumaad xun u gaysatey Oromadu.

3 – Waloow aysan isku fiicnayn Soomaalida iyo Tigreegu isla markaana aanay samaynin siyaasad micne samaynaysa marka ay timaado qoowmiyadaha gudaha iyo dalalka deriska, misna in la arko gobol meel gaar ah deggan oo maamul leh waa wax ay Tigreegu hirgeliyeen, sida muuqatana Amxaaro oo haatan saamayn ku leh tillaabooyin Abiy Axmed, ayna dhici karto inay xukunka qabsadaan mustaqbalka dhow sidoodaba ma ogola wax la yiraahdo ismaamul-goboleed, Tigreegana waa uga sii xun yihiin Soomaalida.

4 – Gobolka Soomaalidu waa inuu cashar bartaa oo iska daayaa siyaasadda qiirada ku dhisan ee uu mar kasta uu u buraan burayo ciddii Itoobiya qabsata, taasoo godob u gelinaysa cidda ay markasta is hayaan isaga, taasoo ah door aanay haboonayn in lagu barto Gobolka Soomaalida oo aan sidaa abid ku yeelan doonin saamayn siyaasadeed oo maxalli ah.

5 – Gobolka Soomaalidu waa inuu fiiriyaa wixii ay dani ugu jirto taasoo ay ka mid tahay kaashiga Soomaalida kale oo lafteedu talo xumo belo ku dhigtay, maadaama ay Itoobiya oo ah quruumo isku dhex nool oo aysan qarannimo ka dhexeeynin ay xitaa kala furfurmi karto, haddii tusaale ahaan uu dagaalkani daba dheeraado, marka haka fikiro midaynta iyo difaacidda dadka Soomaalida ah, halkii la iska dhex boodi lahaa siyaasadda DF oo aan saamayn badan lagu lahayn.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media