”Ma doonayno hardan aan la galno Turkiga & Iiraan” – Imaaraadka oo adeegsadey lahjad debecsan

0

(Abuu Dabeey) 10 Nof 2020 – Wasiiru Dowlaha Dibedda ee Imaaraadka (UAE), Anwar Gargash, ayaa sheegay in dalkiisu aanu doonaynin hardan uu la galo dalalka Iiraan iyo Turkiga, isagoo muujiyey cod ka khafiifsan midkii hore.

Ninkan oo shalay khudbad online ah ka jeediyey shirka Doodaha Istaraatijiga ah ee Abuu Dabeey, oo lagu qabtay Emirates Policy Center, ayaa sheegay in labadaa dal ay sanadihii dambe danohooda gobolka isku xirteen.

Wuxuuse diblomaasigani sheegay in waloow aysan raacsanayn siyaasadooda aanay misna Imaaraadku doonaynin inay hardan la galaan isagoo yiri: “Ma doonayno khilaaf.”

Wuxuu dhanka kale ku baaqay in dalkiisu doonayo “wada hadal wax dhisaya iyo heshiis diblomaasiyadeed oo togan.”

Gargash ayaa dhanka kale soo dhoweeyey heshiiska ay la galeen Israel oo uu ku dooday in aanu meesha ka saaraynin ”walaacooda ku aaddan silaca reer Falastiin” oo uu sheegay inay doonayaan in xal laga gaaro.

Heshiiskan ayay dalal badan oo ay ugu horreeyaan Turkiga iyo Iiraan waxay ku tilmaameen mid dhabarka looga toogtay qaddiyadda Falastiin, iyadoo aanay Israel wax tanaasulaad ah samaynin haba yaraatee.

Hadalsame Media