DABAGAL: Booliiska Sweden oo la ogaadey inay ku yar yihiin xaafadaha ajnabiga (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 10 Nof 2020 – 3 meelood oo hal meel oo ka mid ah saldhigyada booliiska ee ku yaalla hal xaafad iyo ka badan oo ah kuwa danyarta ayaa la sheegay inaysan booliisku joogin, ilaa heer ay arrintu noqotay mid ay ogyihiin maamullada oo go’aansaday inay sidaa ahaato, sida ku cad dib u eegis uu sameeyey Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka ee Riksrevisionens.

2015kii, booliiska ayaa sheegay inay jiraan xaafado loo qori karo inay yihiin kuwa danyarta ah iyadoo loo cuskanayo heerkooda dhaqan dhaqaale oo hooseeya, halkaasoo ay dembiilayaashu saamayn ku leeyihiin bulshada maxalliga ah. Waxaana haatan jira ilaa 60 xaafadood oo Sweden ah, oo 22 ka tirsani ay aad usii daran yihiin.

Sida ku cad hab-raaca uu booliisku u shaqeeyo, waa in hal saldhig uu ku yaallaa meel kasta oo ay deggan yihiin 5,000 oo qofi, gaar ahaan xaafadaha danyarta ah, si muhiimadda loo siiyo in dadka xiriir lala sameeysto.

Wuxuu intaa raaciyey in waloow ay xitaa dadaalayaan booliiska yar ee xaafadahan jooga uu misna dhib ka haysto agab xumo, waxayna tusaale ahaan u baahan yihiin kaamirooyinka amaanka ee CCTV iyo kuwa jirka lagu xiro ee uu ku tolan dharka booliiska.

Booliiska ayaa sidoo kale ka sheeganaya inay dhib ku qabaan inay galangal u yeeshaan xogaha ay hayaan maamullada maxalliga ah sida xafiiska adeegga bulshada ama social-ka, si ay u helaan xogo ku saabsan dhallinyarada xiriirka la leh kooxaha fuliya dembiyada abaabulan, sida uu ogaadey Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka ee Riksrevisionens.

Hadalsame Media