Halis cusub oo kusoo fool leh Somalia iyo dalal kale oo ku yaalla Bariga Afrika

0

(Muqdisho) 10 Nof 2020 – Waxaa jira ayax raxan raxan u socda oo ka samaysmaya Bartamaha Somalia iyo bariga Ethiopia halkaasoo iminka lagula tacaalayo, iyadoo la filayo in ayaxa aagagaa ku sugani uu ka badan yahay midkii horay loo filayey, waxaana dhulka ay Itoobiya maamusho ugu daran Gobolka Soomaalida.

  • Ethiopia. Bariga gobollad Amhara, Tigray iyo Cafar ayaa deggan; ha yeeshee, waxay koronkoro iminka dillaacday ay ka jirtaa Diri Dhaba iyo Jigjiga, iyadoo u siqaysa dhanka bari ilaa Somalia.
  • Somalia. Waxaa soconaya qiimayn dhanka hawada ah iyadoo ay koronkoro cusubi ka ilamanayso dhanka woqooyi galbeed, taasoo u jihaysan dhanka bartamaha dalka.
  • Kenya. Koronkoro ka timid Somalia ayaa haatan joogta meel u dhow Mandheera ee gobolka Soomaalida.
  • Sudan. Waxaa socda howlo lagu xakamaynayo oo laga wado dhulka sare ee ku teedsan Badda Cas sida Haiya iyo xeebaha Tokar Delta, halkaasoo ay ku dhalatay koronkoro cusubi. Dalal kale oo gobolka ka fog sida Sucuudiga iyo Yaman oo ah halka uu ayaxu kasoo hayamay ayaa sidoo kale ayaxa laga soo sheegayaa.

Hadalsame Media