Ciidamada Itoobiya oo Tigreega ka qabsaday garoon dayuuradeed oo istaraatiji ah

0

(Humera) 10 Nof 2020 – Millateriga Itoobiya ayaa qabsaday garoon u dhow magaalada Humera xilli uu dagaalka ka soconaya Gobolka Tigraay ee u dhexeeya maamulka halkaasi iyo DF Itoobiya uu todobaad jirsan rabo.

Warbaahinta DF ayaa sheegtay in ay ciidamadu qabsadeen garoonkan oo 67km (42 mayl) koonfur uga beegan Humera, iyadoo uu warkani imanayo jeer ay ciidamadu horay u sheegteen inay qabsadeen dhulal badan.

Humera ayaa ah magaalo ku taalla woqooyiga fog ee Itoobiya waxayna saaran tahay xadka Suudaan iyo Eritrea, iyadoo ay adag tahay in la xaqiijiyo warkan ay faafisay Fana, maadaama uu go’an yahay khadka isgaarsiintu.

Ururka Midowga Afrika ayaa dhanka kale ku baaqay xabbad joojin deg deg ah, isagoo dhinacyada ugu baaqay inay xurmeeyaan xuquuqda aadanaha isla markaana ilaaliyaan dadka rayidka ah.

Hadalsame Media