”Waxaan soo celinayaa Ameerikadii ay Muslimiintu ka dhex muuqdeen” – Biden oo maalinta 1-aad qaadaya xayiraad saaran dalal ay Somalia ku jirto

0

(Washington, DC) 08 Nof 2020 – MW dooran ee Maraykanka ee Joe Biden ayaa sidii uu horayba u ballan qaaday wuxuu damacsan yahay inuu daaqadda ka xooro xayiraaddii safar ee uu Donald Trump saaray 13 dal oo Muslimiin iyo Afrikaan u badan, isagoo sidaa yeelay isla markii uu fariistay Aqalka Cad 2017-kii.

Xayiraaddan ayaa si fudud meesha looga saari karaa maadaama aanay ku imanin ansixin sharci ah, balse ay ahaayeen amar fulineed oo toos uga soo baxday Madaxwaynaha, balse haddii ay dacwo ka gudbiyaan xoogagga muxaafidka ihi waxay taasi gaabis ku keeni kartaa geeddi socodka qaadista xayiraaddan.

“Ka madaxwayne ahaan, waxaan idinkala shaqayn doonaa inaan jaro sunta nacaybka ah ee bulshada la dhex dhigay. Maamulkaygu wuxuu soo celin doonaa Ameerikadii ay Muslimiintu heer kasta ka shaqayn jireen,” ayuu yiri Biden.

“Maalinta koowaadna, waxaan dhamayn doonaa xayiraadda aan dastuuriga ahayn ee uu Trump Muslimiinta saaray.”

Waxaa dalalkaa ka mid ah kuwan Muslimka ah sida; Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria, iyo Yemen.

Hadalsame Media