Ciidanka Azerbaijan oo sheegay inay qabsadeen magaalada 2-aad ee ugu wayn Gobolka Nagorno-Karabakh

0

(Baku) 08 Nof 2020 – MW Azeri-ga ee Ilham Aliyev ayaa maanta sheegay in ciidanka dalkiisu ay xoreeyeey magaalada Shusha, oo ah magaalada 2-aad ee ugu ballaaran gobolka Nagorno-Karabakh, waloow ay taa dafirayaan nidaamka Armenia.

Magaaladan oo ay 28 sano Armenia haysatey, ayaa labada dhanba u leh muhiimad dhaqan iyo mid istaraatijiyadeed iyadoo ay Shushi ugu yeeraan reer Armenian, waxayna 15 km ama 9 mayl oo qura koonfurta ka xigtaa magaalada Stepanakert, oo ah midda ugu wayn gobolkaa la haysto.

Ugu yaraan 1,000 qofood ayaa ku dhintay dagaalkan oo iminka 6 todobaad ka holcaya Nagorno-Karabakh, oo ah gobol buuraleey ah oo sharciyan ka tirsan Azerbaijan balse ay wax ka deggan yihiin dad Armenian ah.

Waxaa gobolkan gacanta ku haysa Armenia balse tan iyo bilowgii dagaalkan ayaa waxaa laga qabsaday meelo badan oo ka mid ah.

Hadalsame Media